Home Dhacdooyin Holland oo dalkeeda mamnuucday Wasiirada xagjirka ah ee Israel

Holland oo dalkeeda mamnuucday Wasiirada xagjirka ah ee Israel

by Laacib

Dowladda Netherlands ayaa xayiraad dhanka safarka ah ku soo rogtay laba ka mid ah Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Amsterdam ayaa dalkeeda ka mamnuucday Wasiirada Maaliyadda, Bezalel Smotrich iyo Amniga Itamar Ben-Gvir, ka dib markii ay ku eedeysay in ay hurinayaan colaadda Gaza iyo rabshadaha Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Netherlands, Caspar Veldkamp ayaa Wasiirada midigta fog ku eedeeyay in ay riixayaan in la sii wado dagaalka Gaza, ayna ku baaqeen isir sifeyn ka dhan ah dadka Gaza, isla-markaana ay xoojiyeen deegaameynta sharci darrada ah ee Daanta Galbeed, iyagoo taageeraya in la boobo guryaha iyo dhulka Falastiiniyiinta.

Hoggaamiyeyaaasha reer galbeedka ayaa muddooyinkii u dambeysay Raysal Wasaaare Netanyahu ku cadaadinayay in dowladdiisu ay joojiso xasuuqeeda Gaza, in ay fasaxdo nooc kasta oo gargaar ah oo la gaarsiinayo dadka Gaza iyo in ay soo afjarto deegaameynta sharci darrada ah ee ay ka sameynayso Daanta Galbeed ee la haysto, waxaase ka biyo diiday oo ka horyimid Smotrich iyo Ben-Gvir oo Hoggaamiyaha Israel ugu hanjabay in ay ridi doonaan dowladdiisa wadaagga ah, haddii ay ogolaato in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza. Wasiiradan ayaa axsaabta midigta fog ku metela dowladda uu Netanyahu madaxda ka yahay oo ku dhisan taageerada isbahaysiga midigta fog.

Dowladaha Ingiriiska, Norway, Canada, Australia iyo New Zealand ayaa bishii June soo saaray go’aan wadajir ah, oo ku aaddan cunaqabateyn dhaqaale iyo xayiraad dhinaca socdaalka oo ka dhan ah Wasiiradaasi. Dowladahan ayaa sheegay in ay xayirayaan hantida labadaasi nin ee taala dalalkooda iyo in aysan iman karin wadamadooda, iyadoo laga jawaabayo in ay ka masuul yihiin xasuuqa Gaza iyo in ay u ololeynayaan deegaameynta sharci darrada ah ee Israeliyiinta looga sameynayo Daanta Galbeed.

Dowladda Slovenia ayaa bartamihii bishan ku dhawaaqday in raggaasi ay ka mamnuucday dalkeeda, sababo ku aaddan taageeradooda xasuuqa Gaza iyo inay Dowladda Israel ku khasbayaan ballaarinta deegaameynta aan sharciga ahayn ee Israeliyiinta looga sameynayo Daanta Galbeed.

Netherlands ayaa waxay noqoneysaa dalkii labaad oo xubin ka ah Midowga Yurub ee xayiraad xagga safarka ah ku soo roga Ben-Gvir iyo Smotrich, waana calaamaddii ugu dambeysay ee muujineysa, sida uu u sii xumaanayo xiriirka Israel iyo reer Yurub.

Raysal Wasaaraha Netherlands, Dick Schoof ayaa Isniintii walaac xoogan ka muujiyay warbixinada hay’adaha caalamiga ah ee ay ka soo saarayaan gaajada daran ee ka jirta Gaza iyo in ay ka sii dareyso xaaladda nololeed ee dadka rayidka ah, waana xilli ay sheegayaan in la hortaagan yahay in gargaar macno ah la geeyo Gaza, iyadoo gargaarka la heli karo uu diyaar ku yahay xuduudaha Marinka Gaza, balse aan la ogoleyn in kolonyada gargaarka ay galaan gudaha Gaza.

Faransiiska oo ah dalka keliya ee Midowga Yurub xubinta ka ah ee ka tirsan dalalka joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in bisha September uu si rasmi ah u aqoonsan doono Dowladda Falastiin.

Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ayaa wajahaya cadaadis gudaha ah oo kaga imanaya shacabkooda, si xiriirka loogu jiro Israel, maadaama ay tahay dowlad aan ixtiraamin sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Bulshada reer Yurub ayaa ka carreysan, sida ay Israel u quursaneyso baaqyada hoggaamiyeyaashooda ay kaga dalbanayaan in la soo afjaro dagaalka Gaza iyo in dadka rayidka ah loo ogolaado gargaar bani’aadantinimo oo ku filan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc