Ergayga Madaxweyne Donald Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff ayaa Khamiistan la kulmay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, si uu Israel ugu cadaadiyo in ay ogolaato in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza iyo in gargaar bani’aadantinimo oo macno leh uu galo Gaza.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe ku qaabilay Xafiiskiisa Magaalada Jerusalem, si loo badbaadiyo wada hadalada xabad joojinta Gaza ee istaagay 24-kii July iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ka jira Marinka Gaza.
Wafuudda Israel iyo Mareykanka ayaa toddobaadkii hore isaga baxay wada hadaladii Doha ee lagu raadinayay xabad joojinta Gaza, ka dib markii ay guuldareysteen dadaaladii xabad joojinta ee la doonayay in lagu xaqiijiyo xabad joojin 60 cisho ah iyo sii deynta qaar ka mid ah maxaabiista Israel ee lagu hayo gudaha Gaza.
Danaha is diidan ee Israel iyo Xamaas ayaa keenay in wada hadaladu ay natiijo la’aan ku soo dhammaadaan. Israel ayaa dooneysay xabad joojin ku-meel-gaar ah, halka Xamaas ay ku adkeysatay mowqifkeeda ah xabad joojin waarta oo laga sameeyo Gaza, in Ciidamada Israel ay ka baxaan meelaha ay kaga sugan yihiin Gaza oo dhan, in la qaado xayiraadaha gargaarka bani’aadantinimo iyo in Mareykanka uu damaanad qaado in Israel aysan dib dambe u bilaabi doonin dagaalkan.
Ka dib kulanka Witkoff iyo Netanyahu, Warbaahinta ayaa ogaatay in uu jiro is faham u dhaxeeya Mareykanka iyo Israel, oo ah in loo baahan yahay in la bilaabo qorshe cusub oo lagu sii deynayo dhammaan haysteyaasha, hubkana looga dhigayo Xamaas, si looga saaro Marinka Gaza.
Wararka ayaa sheegaya in hindisahan cusub oo aan weli si rasmi ah loogu dhawaaqin uu taageerayo xabad joojin dhameystiran iyo ka bixitaanka Ciidamada Israel ee Gaza.
Madaxweyne Trump ayaa maanta bartiisa Truth Social ku sheegay “Habka ugu dhakhsaha badan ee lagu soo afjari karo xasaradaha bani’aadantinimo ee Gaza waa in Xamaas ay is dhiibto, oo ay sii deyso dadka la haysto.”
Trump ayaa mar sii horreysay sheegay in toddobaadkan uu filayo in Gaza laga samayn doono xarumo lagu quudiyo dad badan oo halkaasi ku nool.
Lama oga, sida ay Xamaas ku ogolaan karto in hub ka dhigis lagu sameeyo, marka aad eegto in marar badan ay khad cas ku tilmaamtay in hubka ay dhigto, inta Israel ay xoogga ku haysato dhulka Falastiiniyiinta.
Ururka Xamaas ayaa ah dhaqdhaqaaq Islaami ah oo u dagaalamaya xornimada Falastiin, waana ururka ugu weyn iska caabinta Falastiiniyiinta ee halganka ugu jira in la soo afjaro gumeysiga Israel.