Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay sideed Safiir, ka dib markii uu siyaabooyin kala duwan ugu qaabilay Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Xafiiskiisa Villa Somalia mid mid ugu qaabilay Safiiradan, oo mid ka mid ah ay ahayd haweeney, kana socotay dalka Venezuela.
Safiiradan ayaa kala ah:-
Suleiman Dedefo Woshe – Safiirka Itoobiya
Robert Ifriyie – Safiirka Ghana
Maes Ennio – Safiirka Ivory Coast
Alejadro Eves Estivill Castro – Safiirka Mexico
Moravia Peralt Hernaldez – Safiirka Venezuela
Kang Hyundshik – Safiirka Kuuriyada Koonfureed
Hussein Deh – Safiirka Mauritania
Kahtan Taha Khalaf – Safiirka Ciraaq.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Safiiradan ugu hambalyeeyay inay ku soo biiraan safka diblomaasiyadda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliya la leedahay dalalkan, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku booriyay Safiirada in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal, isagoo la wadaagay sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan, ulana shaqeynayaan.” Ayaa lagu yiri warka.
Waxay u muuqataa Safiiradii ugu badnaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalin qura waraaqaha aqoonsiga ka guddoomo.