Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay la garaacay laba guri oo ku yaala deegaanka Tardo ee bariga gobolkaasi.
Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in ay maqleen qaraxyo xoogan, isla-markaana ay dib ka ogaadeen in la beegsaday laba guri oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka uu u muuqday horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab, balse ay dib ka soo baxsaday in ay duqayntaasi ka badbaadeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Wadaad Yare iyo Cali Balad oo ka tirsan horjoogeyaasha Al Shabaab ay goobta ka taggeen daqiiqado yar uun ka hor, inta aanay duqayntu dhicin.
Duqaynta ayaa la fahamsan yahay in ay ku dhinteen qaar ka mid ah ilaaladoodii oo goobta ay uga taggeen.
Cali Balad iyo Wadaad Yare ayay wararku sheegayaan in mid ka mid ah labada guri ay shir kula lahaayeen horjooge kale oo ka tirsan Al Shabaab, laguna magacaabo Cabdi Xiirey.
Cabdi Xiirey ayaa maanta lagu arkay deegaanka Tardo, taasoo muujineysa in uu ka badbaaday duqayntaasi.
Horjoogeyaashan ayaa la aaminsan yahay in ay ka wada hadlayeen weerarada is ballaarinta ay muddooyinkanba Shabaabku ka wadeen bariga Gobolka Hiiraan.
Ma cadda, sida raggan ay ugu suurtagashay in ay ka baxsadaan bartilmaameedka weerarka, waana wax ay hadal hayaan dadka deegaanka.
Shabaabka ayaa 13-kii bishii hore ee July bilaa dagaal kula wareegay Tardo, oo ku taala inta u dhaxeyso Degmooyinka Moqokori iyo Jalalaqsi.
Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley oo sanadihii u dambeeyay deganaa deegaankaasi ayaa isaga baxay, markii ay Shabaabku culeys soo saareen Tardo oo muhiim u ah isu socodka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.