Home Wararka Maanta MW Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo aan xal ka gaarin khilaafka masiiriga ah ee taagan

MW Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo aan xal ka gaarin khilaafka masiiriga ah ee taagan

by Laacib

Kulankan oo ahaa kiisii ugu dambeeyay kulamo xiriir ah oo tan iyo bishii June ay yeelanayeen labada dhinac ayaa gelinkii dambe ee maanta ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee daba-yaaqadii bishii May la magac-baxay (Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed), oo ah madal ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka.

Kulankan ayaa ahaa mid ay dhinacyadu xal ugu raadinayeen arrimaha masiiriga ah ee ay isku khilaafsan yihiin, si heshiis looga gaaro nooca doorasho ee sanadka soo socda dalka laga qaban doono iyo wax ka bedelka ay Dowladda Federaalka ku sameysay afar ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka Qabyo Qoraalka, oo mucaaradku ay si weyn uga horyimaadeen.

Wada hadalada labada dhinac ayaa waxaa aasaas u ahaa afar ajande oo 25-kii bishii June ay ku heshiiyeen in wada hadaadooda ay sal u noqdaan, kuwaas oo kala ah adkeynta midnimaa dalka, amniga & ciribtirka argagixisada, hannaanka dib-u-eegista dastuurka iyo hannaanka doorashooyin toos ah oo heshiis lagu yahay.

Mucaaradka oo uu horkacayay Ex Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ahna Gudoomiyaha Madasha Samatabixinta ayaa Madaxweynaha Qaranka ku dhaliilay in uu riixayo doorasho aan heshiis lagu ahayn, taasna ay dhaawaceyso wada hadaladooda, iyagoo daba jooga kaarkii codeynta ee Madaxweynuhu uu Talaadadii ka qaatay Degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley) ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in tallaabada uu Madaxweynuhu isugu diiwaangeliyay doorashada qofka & codka iyo hadalkiisii daba socday ee uu ku sheegay in talada ay dib ugu celinayaan dadweynaha, si ay u soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa ay mucaaradku u tixgeliyeen mid lagu suurad xumeynayo, dadkana loogu tusinayo in ay iyagu diidan yihiin doorasho toos ah.

Marka loo soo noqday kulankii galabta, Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa Madaxweynaha si gaar ah dood adag uga la yeeshay in laga laabto wax ka bedelka afarta cutub ee Dastuurka KMG, gaar ahaan cutubka 4aad iyo in ay Dowladda Federaalka joojiso qaabka ay u wajaheyso doorashada 2026, balse aan wax heshiis ahi laga gaarin. Qodobadan ayaana ah waxa ugu weyn ee khilaafkooda ka dhigay mid muddooyinkanba soo jiitama.

Cutubka 4aad ee Dastuurka KMG ayaa ka mid ah 4-tii cutub ee Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay wax ka bedelka ku sameeyeen, isla-markaana ay ansixiyeen 30-kii bishii March ee sanadkii 2024, Madaxweynuhuna uu saxiixay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhinacyadu ay isla meel dhigi waayeen arrimahaasi, isla-markaana uu kulanku soo geba-gaboobay iyadoo aan wax is afgarad ahi laga gaarin arrimahaasi.

Kulankan ayaa ahaa kiisii shanaad oo la rajeynayay in dhinacyadu ay xal ugu heli doonaan arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay, mana jiro kulan midkan ka dambeeya oo la isla ogol yahay in wada hadalada lagu sii wado.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa waxay ku adkeysanayaan in 56 sano ka dib dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, sida uu Madaxweynuhu ku celiyay Talaadadii.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaan marnaba ogolaan doonin in dalka laga qabto doorasho aan loo dhameen, sababtoo ah waxay u arkaan inay dib u dhac ku tahay dadaaladii dowlad-dhiska ee Somaliya.

Mucaaradka ayaa waxaa suurtagal ah in saacadaha soo socda ay soo saaraan go’aamo adag oo ka dhan ah Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda ayaa la fahamsan yahay in aysan heli doonin taageerada caalamka, haddii ay isku daydo in ay dalka ka qabato doorasho aan heshiis lagu ahayn.

Beesha Caalamka ayaa taageerada ugu badan ku bixiso xoojinta Dowladnimada Somaliya, iyadoona diblomaasiyiinta shisheeye ee dalka ka hawlgala ay madaxda ku cadaadinayaan in la isla ogolaado doorashada soo socota.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc