Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamada amniga ee Magaalada Muqdisho ay saakay aroortii hore iska horimaad hubeysan kala kulmeen koox maleeshiyaad ah, iyagoo hawlgal isugu jira amni xaqiijin iyo la dagaalanka hubka sharci darrada ah ka fulinaya xaafadda Tarabuunka ee Degmada Hodan.
Taliska ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in falkan uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka goobta, xubno ka tirsan ciidamada iyo qaar ka mid ah maleeshiyadii hubeysneyd.
Taliska ayaa sheegay in ciidamadu ay xasilliyeen amniga goobta, isla-markaana ay ka saareen maleeshiyadaasi.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada amnigu ay ka xun yihiin falalka ceynkani oo kale ah ee lagu carqaladeynayo amniga bulshada, iyadoo dhanka kale digniin loogu jeediyay cid kasta oo ku howlan amaba taageerta falalka wax loogu dhimayo amniga.
Warsaxaafadeedka ayaan lagu sheegin in gacanta lagu soo dhigay maleeshiyadaasi iyo inta uu le’egyahay khasaaraha dhabta ahi ee dagaalku uu gaystay.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa:-
Ciidamada amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa saaka aroortii hore hawlgal isugu jira xaqiijinta amniga iyo la dagaalanka hubka sharci darrada ah ka fulinayay xaafadda Tarabuunka ee Degmada Hodan. Intii uu hawlgalka socday, waxaa iska horimaad hubaysan kala horyimid koox maleeshiyaad ah.
Falkan oo ahaa mid khilaafsan nidaamka iyo xeerarka amniga ee caasimadda ayaa sababay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa meel u dhow goobta, xubno ka tirsan ciidamada amniga iyo qaar ka mid ah maleeshiyaadkii hubeysnaa.
Ugu dambayn, ciidamada amniga ayaa xasilliyay goobta, kana saaray maleeshiyaadkii hubeysnaa, iyagoo qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanka.
Ciidamada Amnigu waxay aad uga xun yihiin falalka noocan oo kale ah ee khalkhalka ku haya amniga bulshada, waxayna tacsi u dirayaan qoysaska ay waxyeelladu ka soo gaartay dhacdadan, halka ay caafimaad degdeg ah u rajeynayaan dadka ku dhaawacmay. Sidoo kale, waxaa digniin adag loo dirayaa cid kasta oo ku hawlan ama taageerta falalka amniga lidka ku ah, in ay si degdeg ah uga waantoowdo.