Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in iyadoo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah ay duqaymo xagga cirka ah oo lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ay ka fuliyeen Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, isla-markaana ay Gobolka Galgaduud ku gubeen gaari Cabdi Bile oo Shabaabku ku soo rareen saanad ciidan.
Hay’adda Nabad Sugidda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in hawlgalada labada gobol ee Hirshabelle oo la fuliyay 12-kii iyo 13-kii bishan in lagu dilay 11 xubnood oo Shabaab ah, oo midkood uu yahay horjooge.
“Hawlgalka koowaad oo dhacay 12-kii August ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu shir uga socday horjoogeyaal iyo xubno la shaqeynayay Khawaarijta, waxaana halkaas lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo la burburiyay goobtii ay ku shirayeen.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka NISA ayaa waxaa kaloo lagu sheegay “Sidoo kale 13-kii August hawlgal kale oo laga fuliyay deegaanka Daarunimca ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa looga hortegay maleeshiyaad qorsheynayay weerar ka dhan ah Ciidamada Difaaca Shacabka, ka dib markii la helay xogtooda, waxaana halkaas lagu dilay afar xubnood uu ku jiro horjooge Cabdullaahi Ganey oo illaa sanadkii 2009, door weyn ku lahaa hoggaaminta dagaalada kooxda Khawaarijta ah.
Hawlgalka saddexaad oo 14-kii August ka dhacay deegaanka Nooleeye ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay Khawaarijtu si xad dhaaf ah ugu soo rareen saanad ciidan, kaas oo ay u wadeen maleeshiyaad qorsheynayay inay carqaladeeyaan amniga Degmada Ceeldheer. Ciidanka NISA ayaana ku guuleystay in guud ahaan la gubo gaarigii iyo saanadii uu siday, taas oo fashilisay dhagartii argagixisada.”