Jubbaland ayaa gashay xaalad siyaasaded oo hor leh, ka dib markii uu si weyn u soo shaac-baxay warka ku saabsan in Dowladda Federaalka ay qorsheynayso inay dhisto maamul ka madaxbannaan midka Jubbaland, kaas oo ay leeyihiin dadka reer Jubbaland.
Wafdi horudhac u ah wafdi ballaaran oo Dowladda Federaalka ka socdo ayaa Sabtidii gaaray Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, waxaana xilligaasi soo baxay warka sheegaya in magaaladaasi laga dhisayo Maamul Goboleed Jubbaland ah oo dowladdu ay taageereyso.
Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala gobolkaasi ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu dhisayo maamul cusub oo fadhigiisu yahay Garbahaarey.
Aadan Rufle ayaa Universaltv u sheegay in qorshaha uu hadda yahay mid uun bilow ah, dhismaha maamulkana la bilaabi doono marka ay ergooyinka ku soo xaroodaan magaalada.
“Cid kasta oo ay khuseyso arrintan waa lala wadaagay inay timaado Magaalada Garbahaarey, waxaana lagu jiraa diyaargarowgii iyo qaban-qaabadii soo dhaweynta ergada.” Ayuu yiri Aadan Rufle oo intaasi ku daray “Maamulkan ayaa noqon doono mid ay leeyihiin dadka reer Jubbaland, kana madaxbannaan kuwa ay Kenya ku hayso Magaalada Kismaayo.”
Maxamed Maxamuud Salaad oo ka mid ah dadka reer Garbahaarey ayaa inoo sheegay in dib u habayn ballaaran lagu sameeyay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada, isla-markaana uu xoogeysanayo dhaqdhaqaaqyada ka jira magaaladaasi.
Maxamed Maxamuud ayaa intaasi ku daray in sawirrada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre lagu dhejiyay faras magaalaha magaalada, oo ay ka mid tahay sida uu yiri Aargada Garbahaarey.
Dadka ayaa durbaba bilaabay in ay ka faalloodaan qaabka ay noqon doonto Jubbaland-ta cusub, haddii calanka & dastuurka la bedelayo iyo deegaanka uu ka iman doono Madaxweynaha.
Khilaafka aan la xalin ee Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Hoggaanka Jubbaland oo soo jiitamayay muddooyinkii u dambeeyay ayaa marba wajahayay xaalad cusub, tiiyoo maanta ku sii socoto meeshii ugu sarreysay.
Khilaafka labada dhinac ayaa soo ifbaxay bishii October, wuxuuna cirka isku shareeray bishii xigtay ee November, iyadoona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku eedeeyeen in uu ballanta uga baxay, isla-markaana uu diiday siyaasaddii qaran ee lagu mideynayay Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, Baarlamaanka iyo tan Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ku imanayay doorasho qof iyo cod ah.
Jubbaland ayaa bishii November Magaalada Kismaayo ku qabatay doorasho dadban oo lagu soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland, oo iyana markii saddexaad xilka madaxtinimada u soo doortay Axmed Madoobe.
Madaxda Dowladda Federaalka ayaa doorashadaasi ku tilmaamay mid sharci darro ah, iyagoona Axmed Madoobe ugu yeeray hoggaamiye hore.
Dowladda Federaalka oo ka falcelineysa doorashada ay sheegtay inaysan wax sharciyad ah haysan ayaa daba-yaaqadii bishii November iyo bilowgii bishii December ciidamo u daabushay deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose, si ay halkaasi uga soo hujuumaan Magaalada Kismaayo, inkastoo uu qorshahaasi fashilmay. Dowladda ayaana Jubbaland ku soo rogtay cunaqabateyn dhaqaale iyo xayiraado xagga duulimaadyada ah, walow markii dambe la fasaxay duulimaadyadii Kismaayo, balse ay weli xayiraadaha ka jiraan magaalooyin ay ka mid tahay Doolow, maadaama aysan si buuxda gacanta ugu jirin
Dowladda Federaalka ayaa waxay u muuqataa mid hadda maamuleysa inta badan Degmooyinka Gobolka Gedo, ka dib dagaalkii 22-kii bishii July ka bilowday Degmada Beledxaawo ee soo gaaray 11-kii bishan, markaas oo Ciidanka Jubbaland laga saaray deegaanka Tuulo Amiin ee duleedka Beledxaawo.
Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa gobolka ka wada qorshe lagu qarameynayo Ciidanka Jubbaland ee ku sugan meelo ka mid ah gobolkaasi. Dowladda Federaalka ayaa waxay gobolkan u aragtaa mid ay siyaasad ahaan ka wiiqi karto Jubbaland, waana halka ay maanta damacsan tahay in ay ka dhisto maamul liddi ku ah maamulka uu fadhigiisu yahay Kismaayo.
Madaxda Jubbaland iyo siyaasiyiinta taageersan ayaa waxay ka soo horjeedaan dhismaha maamulka cusub, oo ay u arkaan mid lagu burburinayo nidaamka federaalka ee dalka uu qaatay.
Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin abaabulka ka socdo Magalaada Garbahaarey ee lagu soo dhisayo sida uu yiri wax maamul ku sheeg ah.
Maxamuud Sayid Aadan oo BBC la hadlay ayaa ka digay in la kala qaybiyo Jubbaland, isla-markaana la laalo shuruucda dalka.
Xildhibaan Maxamed Sheekh Nuur Cismaan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Jubbaland ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uu ilaaliyo dastuurka.
Dhanka kale laamaha amniga ee Jubbaland ayaa la socda dhaqdhaqaaqyada, haddii ay jiraan ergooyin doonaya in ay ka ambabaxaan Magaalooyinka Kismaayo, Afmadow iyo Dhoobley, isla-markaana ku wajahan Magaalooyinka Muqdisho iyo Garbahaarey.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in saraakiisha hay’adaha ammaanka ay magaalooyinkaasi kula kulmeen odayaasha qaarkood, isla-markaana ay uga diggeen inay ku lug yeeshaan kala qaybinta Jubbaland.
Warbaahinta ayaa ogaatay in Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo ay ashtako ka dhan ah Villa Somalia u gudbisay diblomaasiyiinta shisheeye ee ka hawlgala Safaaradaha degan Magaalada Muqdisho iyo weliba Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM.
Lama oga waxa uu ku dambayn doono iyo halka uu saldhigan doono khilaafkan, mana jirto cid muuqata oo illaa iyo hadda ku kala dhex jirta labada dhinac.