Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo riixaya is bedel dhinaca doorashada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo riixaya is bedel dhinaca doorashada

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay dalka ku gaarsiinayaan doorasho qof iyo cod ah, taas oo wax ka bedeleysa sawirka doorashadii dadbaneyd ee muddada dheer lagu soo caano maalaayay.

Madaxweynaha oo riixaya siyaasadda dowladdiisa ee tobanaan sano ka dib dalka looga qabanayo doorasho dadweyne ayaa sheegay inay doonayaan in dadku ay codkooda ku soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa.

“Hadda waxaan soo wadnaa oo Ilaahay idiinkiis inaan ku guuleysano aan rabnaa in dadka loo celiyo awoodda go’aanka lagu gaarayo. Marka dadku waxay la imaanayaan xisaabaadkooda. Ninkan odayga ah ee codka na weydiisanaya ama gabadhan codka na weydiisaneysa ma cusub tahay mise horey ayay u soo jirtay, horey ayay u soo jirtay, kii cusbaa bal aan ku dayno ayaa la dhahaa, fursad fiicanuu leeyahay.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha oo Arbacadii ka hadlayay Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa yiri “Dadkeenna horey dowladnimada uga soo shaqeeyay waa nala cabirayaa, muddadii ay joogeen maxay qabteen, maxaa wanaag ah oo ay soo kordhiyeen, maxaa dhibaato ah oo ay xaliyeen oo ummadda ka dulqaadeen, maxay ummadda u soo celiyeen, hanka & qabka iyo muuqaalka ummadda maxay ka bedeleen? Waa la isku qiimeynayaa.”

Madaxweynaha ayaa intaasi raaciyay “Marka dadka inay codkoodu idiinku soo doortaan ayaan rabnaa mar dhow, waxaana loo tartamayaa waa kuraasta iyo mansabka aad joogtaan.”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa sheegaya in ay u baahan yihiin is bedel, isagoo xusay in ay ka soo gudbeen waqtigii odayaasha beelaha ee 135-ka oday ay soo xulayeen Xildhibaanada Baarlamaanka, oo markii dambe ay bedeleen 101 xubnood ee ergada beelaha ee soo dooranayay Xidhibaanada, haddana ay ku taamayaan in halkaasi ay uga sii dhaqaajiyaan dowladnimada, iyadoo dadku ay soo dooranayaan xubnihii meteli lahaa.

“Waa dhammaatay xilligii odayaasha 135-ka nin ee akhtaarka ahaa ee noo soo jiray. Dowlad ayay noo soo bilaabeen, waa noo soo dhiseen, horey ayay noo soo dhaqaajiyeen, waan ka wadnay waxaan dhahnay war bal kursigii qabiilka dhexdiisa ha lagu tartamo, maadaama annaga mujtamac qabaliya aan nahay, bal qabiilka ha la geeyo, waa lagu soo tartamay, waana ka nimid. Meesha iska joogi mayno, bartiis yaqaan bari uma kororto, ma noqonayno, inay dowladnimada noo kororto oo noo cayisho oo adduunyada sida ay u dhaqanto inaan u dhaqano ayaan rabnaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in muddo 35 sano ah uu muuqaalka dalku ahaa mid aan wanaagsaneyn, isla-markaana aysan u dhaqmeynin sida dunida looga dhaqmo oo kale.

“35 sano adduunyadu sida ay u dhaqanto, uma aanan dhaqmaynin, haddaan u dhaqmaynayna waxay naga ahayd tacbaan oo nooma xooganeyn oo muuqaal fiican nooma laheyn.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka reer Galmudug ku tartarsiiyay in ay si weyn uga qayb qaataan isu diiwaangelinta doorashada soo socota, sida ay siyaasadda dowladda uga dhex muuqdaana ay uga muuqdaan doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha ayaa hambalyeeyay diiwaangelinta ka bilaabatay Galmudug, isagoona siyaasiyiinta ku booriyay in ay ka shaqeeyaan, sidii ay dadku isu diiwaangelin lahaayeen.

Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa si weyn isugu khilaafsan nooca doorashada ee dalka laga qaban doono sanadka 2026.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ku cadaadinaya in heshiis laga gaaro khilaafka masiiriga ah ee taagan, si ay doorashadu u noqoto mid heshiis lagu yahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc