Israel ayaa ku hanjabtay inay cagta marin doonto dhismayaasha ku yaala Magaalada Gaza, oo ah magaalada ugu weyn ee ku taala Marinka Gaza, waana xilli Militariga Israel ay dhowrkii cisho ee la soo dhaafay ay kordhiyeen duqaymaha ay ka gaysanayaan magaaladaasi.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa waxa uu sheegay in dambaska laga dhigo magaaladaasi, haddii aanay Xamaas ogolaan shuruudaha Israel ay ku dooneyso in lagu soo afjaro dagaalkan.
Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa horey u soo saartay shan mabda’, oo ay sheegtay in lagu joojin karo dagaalka, kuwaas oo kala ah in hub ka dhigis lagu sameeyo Xamaas, in ay wareejiso maamulkeeda Gaza, sii deynta dhammaan maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza, in aan wax hub ahi lagu dhex haysan karin Marinka Gaza oo amnigeedana la hoos keeno Israel iyo in Gaza loo dhiso maamul aan ahayn xamaas iyo midka Falastiiniyiinta ee fadhigiisu yahay Magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Wasiirka Difaaca Israel ayaa Jimcihii ka digay in Magaalada Gaza ay ka dhigi doonaan, si la mid ah deegaanada Rafah iyo Beit Hanoun, oo ka mid ah deegaanada Marinka Gaza ee sida xun loo burburiyay.
Wasiirka ayaa sheegaya in burburinta magaaladan looga baaqsan karo, haddii ay Xamaas aqbasho shuruudaha Israel ee dagaalka.
“Dhawaan albaabada naarta ayaa ku furmi doona madaxyada gacan ku dhiigleyaasha Xamaas, illaa ay ka ogolaadaan shuruudaha Israel ee lagu joojinayo dagaalka oo ay ugu horreyso sii deynta dhammaan la haysteyaasha iyo in hub ka dhigis lagu sameeyo.” Ayuu yiri Wasiirka.
“Haddii ay heshiiska ogolaan waayaan- Gaza, Caasimadda Xamaas waxay noqon doontaa Rafah iyo Beit Hanoun.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray “Sida saxda ah ee aan ballanqaaday ayay ahaan doontaa.”
Hadalka Katz ayaa imanaya, ka dib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres uu Khamiistii ugu baaqay Israel in ay is xakameyso, isla-markaana laga baaqsado burburinta ballaaran ee ay ciidamadeeda ka wadaan Magaalada Gaza.
Weerarada aan kala sooca lahayn ee Israel ka waddo Marinka Gaza ayay dhibaatada ugu badan ka soo gaareysaa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Ugu yaraan 71 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 251 kalena waa la dhaawacay, sida ay Jimcihii sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.