Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tanaasulay qayb ahaan doorashada qofka iyo codka ee uu ku adkeysanayay in dalka laga qaban doono.
Madaxweynaha ayaa ogolaaday in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay soo doortaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ka dib kulan uu la yeeshay qaar ka mid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in doorasho toos ah lagu soo doorto Goleyaasha Deegaanka, Xildhibaanada Baarlamaanka ee Dowlad Goboleedyada iyo tan Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha ayaa Isniintii Magaalada Muqdisho kula kulmay afar ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka, oo ah garab ka jabay Madasha Samatabixinta, oo ah dallad ay ku midoobeen Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka. Xubnahan uu Madaxweynuhu la kulmay ayaa kala ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo labaduba soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Raysal Wasaarihii hore ee dalka iyo Ex Wasiir Daahir Maxamuud Geelle.
Waxay si wadajir ah u soo saareen warmurtiyeed ka kooban sagaal qodob iyo baaq, iyagoo sida ay sheegeen tixgelinaya muhiimadda midnimada qaran, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, islamarkaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska Soomaaliyeed.
Warmuriyeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay dooran doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda, halka Xildhibaanada Baarlamaanka ee Dowlad Goboleedyada ay iyaguna soo dooran doonaan Madaxweyneyaasha iyo Madaxweyne Kuxigeenada maamuladaasi.
Warmuriyeedka ay soo saareen:-
1. Waxaa la isla gartay adkeynta madaxbannaanida iyo midnimada JFS.
2. Waxaa la isku raacay in laga wada qeyb qaato xoojinta amniga dalka iyo dadaallada dib u xoreynta deegaannada ay wali ku sugan yihiin khawaarijta.
3. Baarlamaanka Federaalka ayaa dooranaya Madaxweynaha JFS, sidoo kale Golayaasha Wakiilada Dawlad Goboleedyada ayaa dooranaya Hogaamiyaasha iyo hogaamiye ku xigeenada dowlad-goboleedyada.
4. Madaxweynaha ayaa leh awoodda uu ku magacaabo Ra’iisul Wasaaraha JFS, iyadoo uu ansixinayo Golaha Shacabka, kalsoonidana kala noqon karo.
5. Waxaa la isla gartay in ururkii ka hela ugu yaraan 10% ee xubnaha baarlamaanka fadaraalka noqonayo xisbi qaran.
6. Hannaanka doorashada dalka waxaa lagu salaynayaa Xeerka doorashooyinka 2024 iyadoo la tixgalinayo qodobada war-murtiyeedkan ku xusan.
7. Waxaa lagu heshiiyey in si dhakhso ah loo gudagalo qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka, dowlad-goboleedyada iyo tan Dowladda Federaalka.
8. Waxaa lagu heshiiyey in sida ugu degdega badan loo dhameystiro cutubyada wali harsan ee Dastuurka Federaalka si loo sugo sharciyadda iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.
9. Waxaa la isku raacay in si wada-jir ah (muxaafad iyo mucaarad) looga wada qayb qaato geedi-socodka doorashada tooska ah (qof iyo cod), oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka, Golayaasha Wakiilada ee dowlad-goboleedyada iyo labada Aqal ee Baarlamaan Federaalka JFS.
BAAQ:
10. Iyadoo laga ambaqaadayo, isfahankan laga gaaray arrimihii lagu kala aragti duwanaa, waxaan ugu baaqeynaa daneyayaasha siyaasadda in loo midoobo lagana wada qeybqaato dhameystirka geedi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.