Home Wararka Caalamka Xamaas oo aqbashay sii deynta dhammaan maxaabiista Israel, balse shuruud ku xirtay

Xamaas oo aqbashay sii deynta dhammaan maxaabiista Israel, balse shuruud ku xirtay

by Laacib

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa ku celiyay in ay weli sugayaan jawaabta Israel ee hindisihii xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ay ka soo shaqeeyeen dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar.

Xamaas ayaa 18-kii August jawaabteeda u gudbisay dalalka dhexdhexaadiyeyaasha, iyadoona tan iyo xilligaasi la sugayay jawaabta dhinaca Israel.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa horey u sheegay in ay miisaamayaan jawaabta Xamaas, ka dibna ay jawaabtoodu la wadaagi doonaan Saraakiisha Masar iyo Qatar, inkastoo Saraakiisha Xafiiska Netanyahu ay sheegeen inay doonayaan in Xamaas ay sii deyso dhammaan maxaabiista nool, sidoo kalena ay wareejiso meydadka kuwa dhintay.

Hindisaha ay soo bandhigeen dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ayaa ku saabsan in 60 maalmood xabad joojin ah laga sameeyo Marinka Gaza, in Xamaas ay sii deyso 10 ka mid ah maxaabiista Israel ee nool iyo inay wareejiso 18 ka mid ah meydadka maxaabiista, iyadoo ku bedelaneysa in la sii daayo 200 Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel iyo tiro aan la cayimin oo haween iyo carruur aan qaangaar ahayn. Maxaabiista loo soo deynayo Xamaas ayaa waxaa ku jira qaar ka mid ah dadka ku xukuman xabsi daa’inka iyo xabsiyada dhaadheer.

Xamaas ayaa war ay xalay soo saartay ku sheegtay in ay diyaar u tahay inay gasho heshiis dhameystiran, oo qayb ka ah sii deynta dhammaan maxaabiista Israel iyo in la soo afjaro dagaalka Gaza, haddii ay Israel dhankeeda diyaar u tahay.

Xamaas ayaa waxay sheegtay in ay diyaar u tahay inay sii deyso dhammaan maxaabiista ay hayso, iyadoo lagu bedelanayo tiro cayiman oo heshiis lagu yahay, oo ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran jeelasha Israel, soo afjarista dagaalka, ka bixitaanka Ciidamada Israel ee meelaha ay kaga sugan yihiin Marinka Gaza iyo in la bilaabo dib u diska Gaza.

Warka Xamaas ayaa imanaya, iyadoo Israel ay ciidamadeeda u abaabuleyso guluf ballaaran oo qorshuhu yahay in lagu qabsado Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.

Netanyahu oo culeys uu ka haysto siyaasiyiinta axsaabta midigta fog ee isbahaysiga la ah dowladdiisa ayaa militariga ku riixaya in ay la qaado hawlgalkan, oo ay ku magacaabeen Gideon Chariots 2.

Hawlgalkan ayaa walaac ka dhaliyay gudaha Israel. Mucaaradka iyo qoysaska dadkooda lagu haysto Gaza ayaa tallaabada lagu ballaarinayo dagaalka ku tilmaamay mid khatar gelineysa nolosha maxaabiista harsan.

Dunida ayaa si weyn uga hortimid go’aanka Israel ay kula wareegeyso Magaalada Gaza, isla-markaana lagu xoojinayo dagaalka labada sano ku dhow ee ka socdo Marinka Gaza.

Golaha Wasiirada Israel ayaa 8-dii August ansixiyay qorshe Magaalada Gaza loogu soo darayo dhulka Israel, isla-markaana amniga Marinka Gaza lagu hoos keenayo Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc