Home Wararka Caalamka Jarmalka oo Israel ka dalbaday inay ka tanaasusho duulaanka Magaalada Gaza

Jarmalka oo Israel ka dalbaday inay ka tanaasusho duulaanka Magaalada Gaza

by Laacib

Jarmalka ayaa Israel ka dalbaday inay ka tanaasusho duulaanka ay ku qabsaneyso Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, isla-markaana ay ogolaato in wax laga qabto masiibada bani’adaadantinimo ee ka jirta dhulka ay go’doomisay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, Johann Wadephul ayaa ugu yeeray masuuliyiinta Israel inay ka laabtaan qorshaha ay kula wareegayaan Magaalada Gaza.

Wasiirka ayaa ka digay in tani ay abuuri doonto masiibo ba’an oo bani’aadantinimo, sidaasi daraadeedna ay ka doonayaan inaysan uga sii darin dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ka taagan Marinka Gaza.

Ka dib markii Wadephul uu khadka teleefanka kula xiriiray dhiggiisa Israel Gideon Sa’ar ayaa war uu gelinkii dambe ee Khamiistii soo saaray ku sheegay in uu si dhow uga la hadlay xaaladda taagan, isla-markaana aanay Israel sii wadin hawlgalkeeda militari ee Magaalada Gaza.

“Waxaan ugu baaqay Dowladda Israel inaysan sii wadin qorshaha ay ku dooneyso inay ku weerarto Magaalada Gaza.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka.

Wasiirka ayaa yiri “Tani waxay si weyn uga sii dari doontaa xaaladda bani’aadantinimo. Taa bedelkeeda gargaar bani’aadantinimo oo aad u badan waa in si degdeg ah loo geeyaa Marinka Gaza.”

Johann Wadephul, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka ayaa dhanka kale walaac ka muujiyay qorshaha ay riixayaan Wasiirada midigta fog ee ku aaddan in Daanta Galbeed ee la haysto lagu soo daro dhulka Israel, si looga hortago in la dhiso dowlad ay shacabka Falastiin leeyihiin.

“Inta uu socday wada hadalkayaga, waxaan sidoo kale si cad uga digay qorshaha Daanta Galbeed loogu soo darayo Israel.” Ayuu yiri Wadephul oo intaasi ku daray “Jarmalku waxa uu sii wadaa in uu taageero in laga wada hadlo xal laba dowladood ka kooban oo saldhig u ah nabad waarta.”

Dowladda Jarmalka ayaa 31-kii bishii July taageertay dadaalada caalamiga ah ee la doonayo in lagu xaqiijiyo xalka laba dal oo deris ah, oo ay leeyihiin Israeliyiinta iyo Falastiiniyiinta, si tobanaan sano ka dib loo soo afjaro colaadda ku soo noqnoqotay Bariga Dhexe ee saamaynta togan ku leh caalamka intiisa kale.

Wadephul ayaa sheegay in xalka labada dowladood uu horseedayo in shacabka labada dhinacba ay ku noolaadaan nabad, amni iyo sharaf.

Si kastaba ha-ahaatee waa markii labaad oo Jarmalka uu Israel ka dalbanayo in ay ka laabato duulaanka Magaalada Gaza.

Raysal Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz ayaa bishii August ku hanjabay inay markii ugu horreysay hubka ka joojin doonaan Israel, saacado uun ka dib, markii Golaha Wasiirada Israel ay ansixiyeen qorshaha lagu qabsanayo Magaalada Gaza, isla-markaana ay Israel ku maamuleyso amniga Marinka Gaza.

Raysal Wasaare Merz ayaa xilligaasi sheegay inay Israel ka doonayaan inay dib u eegto hawlgalka dhameystiran ee lagu la wareegayo magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza, isla-markaana lagu xoojinayo dagaalka Marinka Gaza. Merz ayaa sheegay in dalkiisu aanu aqbali karin qorshaha lagu ballaarinayo hawlgalka militari ee Gaza, haddii uu cawaaqib ba’an ku yeelanayo dadka rayidka ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Berlin aysan ogolaan doonin in hubka Jarmalka ee loo dhoofiyo Israel, loo adeegsado dadka Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaan dhageysaneynin cadaadiska xulafooda dibadda, keliya si uu u raali geliyo Wasiirada xagjirka ah ee xisbiyada midigta fog ku metela dowladdiisa. Siyaasiyiinta axsaabta midigta ayaan dooneyn in la soo afjaro dagaalka Gaza, waana sababta uu Netanyahu ugu foogan yahay in la sii wado dagaalkan, si dowladdiisa uu burbur uga badbaadiyo. Dowladda Netanyahu ayaa ku tiirsan taageerada isbahaysiga midigta fog oo wax ka soo dhisay dowladda wadaagga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc