Home Dhacdooyin Ciidamo ku biiraya Kumaandooska Danab oo tababar loogu soo xiray Xerada Ballidoogle (SAWIRRO)

Ciidamo ku biiraya Kumaandooska Danab oo tababar loogu soo xiray Xerada Ballidoogle (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta tababar u soo xiray ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogaga Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa ciidamadan tababarka ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Gaashaanle Xasan Tuure (Ex Ballidoogle), halkaas oo muddooyinkan ay ku tababaranayeen ciidamadu.

Ciidamadan ayaa goobta ku soo bandhigay dhoolatus ku saabsan tababarkooda iyo diyaarinta loo diyaariyay burburinta cadowga iyo difaaca qaranka.

Waxaa loo maleynaya in ay yihiin dufcaddii 12aad ee Danab ee tababar loogu soo xiro Xerada Ex Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Saraakiisha Mareykanka ee dalka ku sugan ayaa xeradaasi si gaar ah ugu tababara Kumaandooska Danab, oo lagu tilmaamo mid ka mid ah Ciidamada Gaarka ee maanta ay Somaliya leedahay.

Ciidamada ayaa qayb ka noqonaya hawlgalka lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab ee ku xidideystay qaybo ka mid ah Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada kula dardaarmay inay dalkooda ugu adeegaan tababarkii ay qaateen.

Mareykanka ayaa Dowladda Federaalka ka taageera tababarada & tayaynta Kumaandooska Danab, isagoona ku qalabeeya hubka ay ku hawlgalaan.

Saraakiisha Kumaandooska Danab ayaa sidoo kale Saraakiishiisa Mareykanka ee dalka ku sugan kala shaqeeya weerarada xagga cirka ee lagu bartilmaameedsado horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa munaasabadda uu maanta tababarka ugu soo xiray ciidamadaasi ku wehlinayay Taliyaha Hawlgalada Gaarka Mareykanka ee Bariga Afrika, Korneyl Ed Norris.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc