Dhammaan Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Mareykanka uu ku jiro ayaa xalay ka soo horjeestay weerarkii ay Israel Talaadadii ku qaadday dalkaasi Qatar, isla-markaana ay ku beegsatay Xarunta Golaha Siyaasadda Xamaas ee Magaalada Doha.
15-ka dal ee Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale cambaareeyay habdhaqanka Israel, waxayna bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku baaqeen in xiisadda la dejiyo.
Taageerada Mareykanka ee bayaanka ayaa lagu muujiyay in weerarkii la yaabka lahaa ay Israel ku qaadday caasimadda dalka Qatar ee Doha laga yaabo in uu ahaa buundo aad uga fog Washington, tani oo lagu macneeyay mid uu Aqalka Cad ku xoojinayo warkii Madaxweyne Donald Trump ka soo yeeray ee ku saabsanaa in go’aanka weerarkaasi uu lahaa Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo aanu ahayn go’aan ka yimid Trump.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa habeenkii Talaadada sheegay in aanu ku faraxsaneyn weerarka lagu qaaday dal xulafo la ah Mareykanka.
Mareykanka oo muddooyinkii u dambeysay ahaa dalka keliya ee Israel ku difaacayay fadhiyada Golaha Ammaanka ayaa markan dhabarka u jeediyay, isagoo u muuqday mid ku cannaananaya qaabka guracan ay u dhaqmeyso ee Mareykanka ka horkeentay dunida, waana farriin uu Israel ugu sheegayay in ay is xakameyso.
Bayaanka ayaa lagu sheegay muhiimadda ay leedahay in xiisadda la dejiyo, waxayna goluhu muujiyeen, sida ay u garab taagan yihiin Dowladda Qatar.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxay dalbadeen in la soo afjaro dagaalka Gaza, isla-markaana la sii daayo maxaabiista Israeliyiinta, lana wareejiyo meydadka ay ururada iska caabinta Falastiiniyiinta haystaan.
Kulanka Golaha Ammaanka oo lagu waday in uu qabsoomo habeen hore ayaa dib loogu dhigay xalay, ka dib markii Dowladda Qatar ay codsatay in habeenimada Khamiista oo xalay ahayd kulanka la qabto, si ay uga soo qaybgaleen wafdi ka socda dalkeeda.
Raysal Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani oo hoggaaminayay wafdiga dowladda dalkaasi ayaa kulanka ka sheegay in Israel ay u dhaqmeyso si waali ah oo aan la aqbali karin.
Raysal Wasaaraha Qatar ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay kol hore ka codsatay Doha in ay dib u dejin u sameyso Madaxda Ururka Xamaas, codsigaas oo sida uu sheegay uu dilkiisu aqbalay.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in markii uu weerarku dhacayay ay Hoggaanka Xamaas ka shirayeen hindisihii xabad joojinta Gaza iyo sii deynta maxaabiista ee Madaxweyne Trump uu Axaddii soo jeediyay.
Raysal Wasaare Al Thani ayaa sheegay in Doha ay dib u eegis ku samayn doonto hannaankeeda ammaanka, isaga oo daba jooga in aanu Mareykanka ka difaacin weerarkii Israel.
Qatar ayaa muddo dheer xulafo dhow la ahayd Mareykanka, waana dalka uu Mareykanku ku leeyahay saldhiggiisa ugu weyn ee Bariga Dhexe.
Qatar ayaa waxay noqoneysaa dalkii ugu horreyay ee xubin ka ah Dowladaha Khaliijka Carabta ay Israel weerar ka gaysato.
Weerarkan ayaa waxa uu dhaawacay iskaashiga difaaca ee Khaliijka iyo Mareykanka, kaas oo cawaaqib ku yeelanaya kalsoonidii ay Dowladaha Khaliijka ku qabeen in Washington ay difaaci doonto.