Home Wararka Caalamka Israel oo si carro leh uga jawaabtay warka Qaramada Midoobey ee xasuuqa ay ka waddo Gaza

Israel oo si carro leh uga jawaabtay warka Qaramada Midoobey ee xasuuqa ay ka waddo Gaza

by Laacib

Maamulka Israel ayaa si adag u beeniyay warbixinta Qaramada Midoobey ee sheegeysa in dagaalkeeda Marinka Gaza uu yahay mid ay ku xasuuqeyso dadka rayidka ah.

Guddiga Madaxabannaan ee Qaramada Midoobey U Qaabilsan Baaritaanada (COI) ayaa baaritaan ay in muddo ahba sameynayeen ku ogaaday in Ciidamada Israel ay leynayaan shacabka aan hubeysneyn, iyagoo dhiirigelin kaga haysta madaxdooda.

Navi Pillay oo ka tirsan Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa Talaadadii sheegtay in Ciidamada Israel ay horey xasuuq uga gaysteen Gaza, isla-markaana ay weli dadka rayidka ah si ula kac ah ugu dilayaan halkaasi. Navi Pillay ayaana sheegtay in Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Difaaca, Yoav Gallant ay asal ahaan taageereen in la laayo dadka rayidka ah.

Israel ayaa warbixinta Guddiga Madaxabannaan ee Qaramada Midoobey ku tilmaamtay mid khaldan oo been abuur ah, isla-markaana ay Qaramada Midoobey tahay mid aan macno lahayn.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa warbixinta Qaramada Midoobey ku sheegtay mid haba yaraatee wax ka jiraa aanu jirin.

Wasaaradda ayaa baareyaasha Qaramada Midoobey ku eedeysay in ay u dhaqmayaan, isla-markaana ay u adeegayaan sidii Xamaas oo kale.

“Warbixintu waxay si buuxda ugu tiirsan tahay been abuurka Xamaas, waxayna ugu celceliyaan sida kuwa kale.” Ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ku sheegtay qoraal.

Wasaaradda ayaa waxay ka digtay qaloocin iyo suurad xumeyn ay sheegtay in lagu sameynayo Dowladda Israel, waxayna ku baaqday in la baabi’iyo Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan dhanka baaritaanada.

“Israel waxay si cad u diideysaa warbixintan guracan ee been abuurka ah, waxayna ku baaqeysaa in si degdeg ah loo baabi’iyo guddigan baaritaanka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Safiirka Israel u jooga Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada Geneva, Daniel Meron ayaa natiijada warbixinta ku sifeeyay mid fadeexad, been abuur iyo weliba qaylo xumo ka dhan ah Israel, isagoona sheegay in warbixintu ay soo diyaariyeen sida uu yiri Wakiilada Xamaas.

“Israel waxay si cad u diiday qaylo dhaanta been abuurka ah ee ay daabaceen Guddiga Baaritaanka ee Qaramada Midoobey.” Ayuu yiri Meron oo guddigaasi ku eedeeyay in ay wataan ajande siyaasadeed oo ka dhan ah buu yiri Israel.

Meron ayaa sheegay in guddigu ay ka weecdeen shaqadii loo igmaday, isla-markaana aysan Israel la shaqeyn doonin, sida uu yiri.

Guddigan oo horey loogu xilsaaray inay soo baaraan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Falastiiniyiinta ayaa warbixintooda soo saaray ku dhawaad laba sano ka dib, oo Israel ay dad fara-badan ku dishay Marinka Gaza.

Taliyihii hore ee Ciidamada Israel, General Herzi Halevi ayaa toddobaadkii hore si la yaab leh u sheegay in in ka badan boqolkiiba toban (10%) ee Falastiiniyiinta ku nool Gaza la dilay amaba la dhaawacay, tan iyo markii uu dagaalku bilowday ku dhawaad laba sano ka hor.

Isagoo ka hadlayay deegaanka Ein HaBesor ee koonfurta Israel ayaa wuxuu yiri “Gaza waxaa ku noollaa 2.2 milyan oo qof, waxaana maanta la dilay amaba la dhaawacay in ka badan 10%, oo ah in ka badan laba boqol oo kun oo qof (200,000), kani ma ahan dagaal fudud.”

General Herzi Halevi oo lahaa qorshihii ay Ciidamada Israel bishii October ee sanadkii 2023 ku weerareen Marinka Gaza ayaa tirada uu sheegay waxay ku dhow dahay tirada dadka wax ku noqday dagaalka ee ku xusan daabacaadda Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Wasaaradda ayaa waxay sheegtay in muddada uu dagaalku socdo ay dhinteen 65 kun oo qof, 165 kun oo kalena ay dhaawacmeen, tani oo ku tusineysa in wadarta guud tirada dhimashada iyo dhaawaca ee dadka reer Gaza ay sii caga caganeyso 230,000 oo qof.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa horey u cambaareeyay qaabka ay Israel u waddo dagaalkeeda Gaza, oo uu ku sheegay mid ku wajahan dadka rayidka ah, isla-markaana ay tahay in Tel Aviv ay ixtiraamto sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, iyadoo ilaalineysa nolosha dadka rayidka ah.

Israel waxay si adag u beenisaa in ay ku xadgudbeyso shuruucda caalamiga ah, waana xilli dunidu ay carro xoog leh ka muujineyso habdhaqankeeda Gaza, oo lagu sheegay wax aan gebi ahaanba loo dulqaadan karin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc