Aqoonsiga dalalka reer galbeedka ay riixayaan ee Dowladnimada Falastiin ayaa ku eg oo keliya in Dowladda Falastiin laga dhiso Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto.
Aqoonsigan ayaa u taagan taageerada dhabta ah ee Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, taas oo meesha ka saareysa xuduudaha rasmiga ah ee Qaramada Midoobey ay u aqoonsan tahay dalnimada Falastiin.
Qaramada Midoobey, wadamada Bariga Dhexe iyo inta badan dalalka dunida ee horey u aqoonsaday Falastiin ayaa dhulalka Falastiiniyiinta u aqoonsan Bariga Qudus, Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza.
Israel ayaa dagaalkii ay Carabta la gashay sanadkii 1967-kii ku qabsatay Daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Marinka Gaza, inkastoo sanadkii 2005 ay ciidamadeeda kala baxday Gaza.
Faransiiska iyo Ingiriiska oo ah labada dal ee ugu saamaynta badan ee bishan September, 2025 aqoonsaday Dowladda Falastiin ayaa doonaya in Israel ay ka baxdo Daanta Galbeed iyo goobaha ay ku qabsatay dagaalka labada sano ku dhow ee ka socdo Gaza, iyadoo aad mooddo in ay si uun ugu xalaaleynayaan Qudus-ta Bari, maadaama Israel ay Magaalada Qudus (Jerusalem) ay hadda ugu shaqeyso, sida caasimadeeda oo kale, inkastoo aysan dunida u aqoonsaneyn.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres oo bogaadiyay dadaalada diblomaasiyadeed ee Faransiiska iyo Sacuudiga ee lagu soo nooleynayo fekerka ah in la xaqiijiyo xalka labada dowladood ayaa ku baaqay in dhismaha Dowladnimada Falastiin lagu saleeyo xariiqda xuduudaha ee ka hor 1967-kii.
“Waxaa loo baahan yahay xalka laba dal, oo ay ku jiraan laba dowladood oo madaxbannaan oo dimoqraadi ah oo Israel iyo Falastiin ay leeyihiin, ku wada nool si nabad iyo ammaan ah, isla-markaana ay sugan yihiin xuduudaha la aqoonsan yahay ee ku saleysan xariiqda, ka hor 1967-kii.” Ayuu yiri Xoghaye Guterres oo ka hadlayay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Qaddiyadda Qaranimada Falastiin oo la aaminsan yahay inay maanta mareyso meeshii ugu sarreysay ee muddo tobanaan sano ah, haddana dadaalada caalamiga ah ee lagu raadinayo xalka labada dal ayaa qayb ahaan la sheegay inay ka baxsan tahay astaanta qaddiyadda Falastiin, oo magaalo madaxdeedu ay muqaddas tahay in ay noqoto Qudus-ta Bari, laakiin ay reer galbeedku ixtiraamayaan qaraarkii ay horey Israel uga soo saartay in aysan kala qaybsami karin Magaalada Qudus.
Jordan iyo Turkiga oo ku mowqif ah Falastiiniyiinta ayaa muddo dheer u ololeynayay in Caasimadda Falastiin ay noqoto Bariga Qudus, iyadoo la eegayo in halkaasi uu ku yaalo Masidka Barakaysan ee Al Aqsa. Masjidkan ayaa ah qibladii ugu horreysay ee Islaamka, waana sababta aysan Muslimiintu uga tagi karin.
Xoghaye Guterres ayaa ku taliyay in labada dalba ay caasimadoodu noqoto Qudus (Qudus-ta Bari iyo Galbeedka Qudus).
Tiiyoo ay jirto ayaa waxaa shaki la gelinayaa, sida Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan Golihiisa Wasiirada looga dhaadhicin karo in la soo afjaro gumeysiga Israel ee Daanta Galbeed.
Raysal Wasaare Netanyahu iyo Wasiirka Maaliyadda ee midigta fog, Bezalel Smotrich waxay dhawaan sheegeen in Daanta Galbeed ay dadka Yahuudda ahi leeyihiin, isla-markaana aysan suurtagal ahayn in laga aasaaso dowlad ay shacabka Falastiin leeyihiin.
Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Bariga Dhexe ayaa qaba in haddii uu sii socdo culeyska lagu hayo Israel ay ugu dambayn Israel ka tanaasuli doonto damaceeda ay ku dooneyso in ay qarameyso Daanta Galbeed ee Falastiin.
Israel ayaa wajaheysa duufaan siyaasadeed oo kaga imaneysa dalalka reer galbeedka, kuwaas oo xoojinaya cadaadiska diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee lagu saarayo in ay ogolaato in tobanaan sano ka dib xal loo helo colaadda kala dhaxeysa Falastiin ee muddada aadka u dheer ka socotay gobolka.