Home Dhacdooyin Madaxweyne Trump oo Madaxda Islaamka qaarkood kala hadlay colaadda Gaza (SAWIRRO)

Madaxweyne Trump oo Madaxda Islaamka qaarkood kala hadlay colaadda Gaza (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa xalay la kulmay Madaxda Carabta iyo kuwa Islaamka qaarkood ee ka qaybgelaya Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee ka socdo Magaalada New York.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa wada qorshe lagu dhameynayo duulaanka Israel ee Marinka Gaza, isagoona dalbaday kulankan uu la qaatay Madaxda Islaamka, oo ay ku jiraan Turkiga, Pakistan, Indonesia, Jordan, Sacuudiga, Emirate-ka Carabta, Qatar iyo Masar.

Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa madaxda u sheegay in kulanka uu muhiimad weyn u leeyahay, si looga wada-xaajoodo in la soo afjaro dagaalka Gaza iyo sii deynta maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza.

“Waxaan doonaynaa inaan joojino dagaalka Gaza, waana soo afjaraynaa, laga yaabee inaan hadda soo afjarno.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay khudbaddii uu Madaxweynaha Indonesia, Prabowo Subianto ka jeediyay Shirka Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobey, kaasoo uu Subianto ku sheegay in nabada ay u baahan tahay dammaanad qaadka amniga Israel.

Madaxweyne Trump ayaa yiri “Waxaan u malaynayaa inaan awoodno inaan samayno. Kooxdani way samayn kartaa.”

“Kani waa kulankaygii ugu muhiimsanaa.” Ayuu intaasi ku daray Trump oo oo la fadhiya dhowr hoggaamiye oo uu ku jiro Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo ka qaybgalay kulanka ayaa ku sheegay kulan miro-dhal weyn laga filayo.

Amiirka dalka Qatar ayaa dhankiisa sheegay in ay Mareykanka u joogaan, sidii loo soo afjari lahaa colaadda Gaza, loona sii deyn lahaa maxaabiista, si loo dejiyo xiisadda Bariga Dhexe.

“Xaaladda aad iyo aad bay u xun tahay. Marka waxaan halkan u joognaa, si aan u samayno wax walba oo aan awoodno, si aan u joojino dagaalkan iyo dib u soo celinta la haysteyaasha.” Ayuu yiri Amiir Al Thani.

Kulankan wax xiriir ah lama lahayn is bedelka siyaasadeed ee ka jira dunida galbeedka ee Falastiin loogu aqoonsanayo dal madaxbannaan.

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka oo gelinkii dambe ee Talaadadii khudbad dheer ka jeediyay Shirka Qaramada Midoobey ayaa ka horyimid tallaabada ay xulafada reer galbeedka ku aqoonsanayaan Dowladda Falastiin, xilli si weyn looga soo dhaweeyay dunida.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc