Home Wararka Maanta Ciidamada oo dagaal kula jira dableydii weerartay Xabsiga Godka Jilicow

Ciidamada oo dagaal kula jira dableydii weerartay Xabsiga Godka Jilicow

by Laacib

Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Federaalka ay wadaan wejigii ugu dambeeyay ee hawlgalka lagu soo afjarayo dabley ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, oo gelinkii dambe ee maanta weerartay Xabsiga Godka Jilicow.

Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad, una tababaran la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo ka jawaabidda xaaladaha deggdeg ah ayaa gudaha xabsigaasi kula dagaalamaya dableyda, waxayna juhdi badani ku bixinayaan, sidii ay u soo afjari lahaayeen.

Rasaas xoog leh ayaa caawa fiidkii laga maqlayay aagga xabsiga, iyadoona ay dadka deegaanku sheegeen in ay maqleen qarax xoogan, ka dib qaraxii weynaa ee weerarku uu ku bilowday.

Dadka ka ag-dhow goobta ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi ka dib ay yaraatay rasaastii xooganeyd ee gelinkii dambe ee maanta illaa abaarihii 8-da fiidnimo laga maqlayay dhanka xabsiga.

Ciidamada ayaa la sheegay in dagaal adag ay la galeen dableydaasi, ka hor inta aysan rasaastu xoogeedu yaraan.

Warbaahinta Qaranka ayaa warisay in ciidamadu ay ku foogan yihiin in ay xaqiijiyaan amniga Xabsiga Godka Jilicow oo ku yaala Madaxtooyada hoosteeda, isla-markaana ay dileen qaar ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, haatana ay wadaan hawlgalka lagu dhameystirayo dableyda ka tirsan Al Shabaab.

Waa weerarkii ugu weynaa ee Al Shabaab ay ka gaysato Magaalada Muqdisho, muddo sanad iyo bar ah. Weerarkii midkan ka horreyay ayay 14-kii March ee sanadkii 2024 ay Shabaabku ku qaadeen Hotel SYL oo aad ugu dhow Villa Somalia.

Waxaa jira su’aalo ku gadaaman, sida Shabaabku ugu suurtagashay in ay weerar sidaan u weyn ugu qaadaan Godka Jilicow, iyadoo uu ku yaalo xeendaabka Madaxtooyada oo si aad ahi loo ilaaliyo.

Shabaabka ayaa weerarkan ka gaystay aag aysan ka gudbi karin gawaarida ay la socdaan dadka aan wadan kaarka aqoonsiga ay bixiso Dowladda Federaalka, waana goob isu socodka waddooyinkeeda kol horeba la xadiday.

Hase yeeshee telefishinka afka Dowladda Federaalka ku hadla ayaa boggiisa Facebook ku daabacay qoraal uu ku sheegayo in raggaasi ay adeegsadeen gaari ay u ekeysiiyeen gaadiidka Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA).

Goobta uu weerarku ka dhacay waa xudunta Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka, iyadoona xabsigan uu ahaa mid ay NISA maamuleysay.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarka ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dagaal-yahanadeeda oo si xeeladeysan uga gudbay dhammaan barrihii kontoroolada ee laga ilaalinayay Godka Jilicow ay gudaha u galeen xabsigaasi.

Al Shabaab ayaa sheegtay in xabsigan uu ahaa meel lagu ciqaabo shacabka Soomaaliyeed, isla-markaana uu xilligii weerarku dhacayay uu shir uga socday Saraakiisha NISA.

Weerarkan ayaa dhaliyay hadal hayn xoog leh, wuxuuna istiraatiijiyad ahaan uu weji gabax ku yahay Dowladda Federaalka, oo u baahan in ay degdeg ah jawaabo ugu hesho su’aalihii ka soo laabtay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc