Home Dhacdooyin Dagaalka Gaza oo laba sano ay u buuxsantay, iyadoo Israel aysan weli ka adkaan Xamaas

Dagaalka Gaza oo laba sano ay u buuxsantay, iyadoo Israel aysan weli ka adkaan Xamaas

by Laacib

Maanta oo kale laba sano ka hor ayuu bilowday dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xamaas ee ka socdo Marinka Gaza.

Israel ayaa ku duushay Marinka Gaza, ka dib weerarkii aan horey noociisa loo arag ee Xamaas hoggaamineysay ay urrurada iska caabinta Falastiiniyiinta 7-dii bishii October ee sanadkii 2023 ka gaysteen dhulkii laga xoogay Falastiin, balse maanta loogu yeero koonfurta Israel.

Israel ayaan xaqiijin dhammaan yoolashii ay ugu duushay Marinka Gaza, ka dib laba sano oo dagaal ah. Israel ayaa Gaza ugu duushay burburinta Xamaas, dib u soo celinta Israeliyiintii lagu qafaashay weerarkii October 7 iyo in Gaza aysan mustaqbalka khatar amni ku noqonin Israel.

Xeel-dheereyaasha ayaa qaba in sababta ay Israel uga adkaan la’dahay Xamaas ay tahay, iyadoo ka weecatay ujeedooyinkii militari ee ay u weerartay Gaza, isla-markaana ay la dagaalankii Xamaas u bedeshay dilka dadka rayidka ah, gaajeysiintooda iyo burburinta Gaza oo dhan.

Inkasta oo aan si sax ah loo aqoon halka ay Xamaas hubka ka hesho, haddana waxaa u suurtagashay in tobanaan kun oo dagaal-yahano ah ay ka qorato gudaha Gaza, iyadoo ka faa’iideynaysa carrada dadka deegaanka ee maalin walba lagu hor dilayo xubnaha qoysaskooda iyo weliba eheladooda.

Israel ayaa dagaalkan kala kulantay guul darro istiraatiiji ah oo militari iyo mid diblomaasiyadeedba, sababtu tahay in laba sano oo dagaal ah ay ka adkaan weyday Xamaas iyo weliba dunida oo si weyn uga hortimid qaabka ay u waddo dagaalkeedan oo la sheegay in uu ku wajahan yahay shacabka aan is difaaci karin, iyadoo dhinaca kalena uu dagaalkan wiiqay xiriirkii Israel ee dibadda, oo markii horeba uu xiriirkeeda diblomaasiyadda uu ku tiirsanaa taageerada isbahaysigeeda reer Yurub iyo Mareykanka.

Khubarada Israel ayaa dagaalka Gaza ku qeexay kiisii ugu adkaa ee ay Israel ka gasho Bariga Dhexe.

Marka laga soo tago in dadka Gaza ay yihiin dhibaneyaasha ugu badan ee dagaalkan, haddana Ciidamada Israel ayaa lagu sheegaa dhibaneyaasha labaad ee dagaalka Gaza, walow Tel Aviv ay aad isugu daydo in ay qariso xogta khasaaraha ee askarteeda.

Dagaalkan ayaa jebiyay qabkii Militariga Israel, waana dagaalka laga bartay in awoodda militarigaasi aanay ahayn, sidii ay Warbaahinta ka faallooneysay, waana dagaalka bannaanka keenay in la arko ciidamada oo ka cararaya in loo diro dagaalka Gaza, iyagoo taasi bedelkeeda door bidaya in ay xabsi galaan amaba in shaqada ciidanka laga eryo.

Israel ayaa burburisay boqolkiiba laba iyo sagaashan (92%) ee kaabeyaasha rayidka iyo guryaha la degan yahay ee Marinka Gaza, sida ku cad xogta Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA).

Guddiga Madaxabannaan ee Qaramada Midoobey U Qaabilsan Baaritaanada (COI) ayaa bishii hore ee September ku dhawaaqay in Israel ay xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza, welina ay ka sii waddo.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Isniintii sheegtay in Ciidamada Israel ay dileen ugu yaraan 67,160 qof, halka 169,679 kalena ay dhaawacmeen, tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Duqaymaha aan kala joogsiga lahayn Israel ee lagu burburbinayo Marinka Gaza, laguna leynayo dadka rayidka ah ayaa carro baahsan ka dhalisay dunida.

Israel ayaa muddada uu socdo dagaalka lagu hoobtay ee Gaza lumisay taageerada xulafadadeeda dhaqanka ah ee dalalka reer galbeedka, ka dib markii ay tixgelin weysay baaqyo is daba joog ahaa oo hoggaamiyeyaasha dalalkaasi ay kaga dalbanayeen in si degdeg ah loo joojiyo dagaalkan iyo in la hagaajiyo xaaladda aadka looga walaaco ee bani’aadantinimo ee ka jirta dhulka go’doonsan.

Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka oo dhageysanaya cadaadis xoog leh ee shacabkooda ay ku saareen in la aqoonsado Dowladnimada Falastiin ayaa qaar badan oo ka mid ah ku dhawaaqay aqoonsigooda Falastiin.

Dagaalkan ayaa abuuray fursadda ah in qaddiyadda qaranimada Falastiin ay gaarto meeshii ugu sarreysay, inta ay taariikhda qoreyso.

Si ka duwan taasi, dagaalkan ayaa suurad xumeeyay muuqaalkii Israel ee dunida, iyadoona dowlad ahaan ay gaartay halkii ugu hooseysay, tan iyo intii lagu dhawaaqay qaranimadeeda 77 sano ka hor. Dagaalka ayaa Israel ku riixay inay dareento qalqalkii ugu weynaa ee siyaasadeed, amni iyo mid dhaqaalaba.

Warbaahinta Israel ayaa warisay in khatar dhab ah ay soo food saartay jiritaanka Dowladnimada Israel, ka gadaal markii ay sheegtay in dagaalka Gaza uu kala qaybsanaan ba’an ka abuuray gudaha Israel. Shacabka Israel ayaa la sheegay in muddooyinkanba aysan u mideysneyn cadowgooda dibadda, taasna ay liddi ku tahay dhaqankii lagu yaqiinay muddada dheer.

Shacabka ayaa ka dheregsan in dhawaa iyo dheeraaba ay saamayn doonto dembiyada dagaal ee ay dowladdoodu ka gaysaneyso Marinka Gaza, isla-markaana ay ka walaacsan yihiin Yahuud naceybka ku sii kordhaya dunida.

Gaajeysiinta ula kaca ahi ee ay Israel ku sameynayso Falastiiniyiinta reer Gaza ayaa la sheegay in ay dunida ka kicisay olole caalami ah oo ka dhan ah bulshada Yahuudda, oo ay ku jiraan kuwa haysta dhalashada Israel.

Qayb ahaan bulshadii caalamka ee shalay luleysay Calanka Israel ayaa maanta booska calankaasi ku bedeshay midka Falastiin.

Dagaalka Gaza ayaa saamayn togan ku yeeshay inta badan dalalka adduunka, oo ay ku jiraan kuwa Yurubta galbeed, Mareykanka, Canada iyo Australia.

Jawaabta caalamiga ah ee cadaadiska diblomaasiyadeed lagu saarayo Israel ayay siyaasiyiinta iyo diblomaasiyiintu sheegayaan in ugu dambayn ay Israel ku khasbi doonto in ay ogolaato xalka laba dal, oo Israeliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay leeyihiin, si nabad mustaqbalka ah loogu soo dabaalo Bariga Dhexe.

Dunida ayaa xalka labada dal looga arkaa waddada keliya ee lagu soo afjari karo colaadda Falastiin iyo Israel ee muddada dheer ka socotay gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc