Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa dalbaday in siyaasiga caanka ah ee Marwan Barghouti uu ka mid noqdo maxaabiista Falastiiniyiinta ee laga wada hadlayo in laga sii daayo xabsiyada Israel.
Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Masar iyo Qatar oo Mareykanka uu gadaal ka taagan yahay ayaa maalintii labaad Magaalada Sharm El-Sheikh ka sii waday dadaalada lagu dhexdhexaadinayo wufuudda Israel iyo Xamaas, kaas oo looga hadlayo waqtiga la dhaqangelinayo xabad joojinta Gaza, qaabka la isku weydaarsanayo maxaabiista iyo kuwa ay tahay in la si daayo, ka dib qorshihii Madaxweyne Donald Trump ee labaatanka qodob ka koobnaa, laguna doonayo in lagu soo afjaro colaadda Gaza.
Xamaas ayaa laga doonayaa in wejiga koowaad ay sii deyso dhammaan maxaabiista Israeliyiinta, sidoo kalena ay wareejiso meydadka kuwii dhintay. Qorshaha ayaa waxaa qayb ka ah in Israel ay iyaduna sii deyso ku dhawaad laba kun oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan laba boqol oo kuwa xabsi daa’inka ku xukuman ah iyo in sidoo kale ay ciidamadeeda kala baxdo Marinka Gaza.
Warbaahinta Masar ayaa ku warantay in wada hadalkii Talaadadii uu ka adkaa midkii Isniintii ka bilowday magaalada loo dalxiiska tago ee Sharm El-Sheikh.
Al-Qahera News oo si dhow loola xiriiriyo Sirdoonka Masar ayaa sheegtay in wada hadaladii ugu dambeeyay ee Talaadadii diiradda lagu saaray liiska maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay Israel ku sii deynayso hindisaha nabadda ee Trump.
Warbaahinta Masaarida ayaa sheegeysa in Xamaas ay liiska dadkaasi ku soo doortay Marwan Barghouti iyo xubno kale, oo ay ka mid yihiin Ahmad Saadat, Hassan Salameh iyo Abbas Al Sayed.
Marwan Barghouti oo xubin ka ahaa Xisbiga Fatah ee Falastiin ayaa la xiray sanadkii 2002, iyadoona sanadkii 2004 ay maxkamad ku xukuntay shan jeer oo xabsi daa’in ah iyo 40 sano oo xarig ah, ka dib markii ay sheegtay in ay ku heshay dembiyo ah inuu abaabulay weeraro lagu dilay dhowr qof oo Israeliyiin ah.
Ninkan oo u ololeynayay xalka labada dal ayaa beeniyay dhammaan eedeymahaasi, isagoona shaki geliyay kalsoonida lagu qabi karo xukunada ay ridaan Maxkamadaha Israel.
Barghouti oo 66 jir ah ayay Falastiiniyiinta u arkaan siyaasiga ku habboon in uu noqdo Madaxweynaha soo socda ee Falastiin.
In Xamaas ay liiska maxaabiista la sii deynayo ku soo darto dhowr nin oo Barghouti uu ka mid yahay ayaa ka tarjumeysa rabitaanka shacabka Falastiin.
Lama oga, sida Israel ay ku ogolaan doonto in ay xabsiga ka sii deyso siyaasiyiinta reer Falastiin ee xabsiyadeeda ku xiran, sida Barghouti oo kale.
Trump ayaase riixaya in si degdeg ah maxaabiis is dhaafsi loo sameeyo iyo in la xaqiijiyo xabad joojinta Gaza, ka dib laba sano oo dagaal ay dad badani ku dhinteen.
Qorshaha Trump ee 20-ka qodob ayaa waxaa ka mid ah in Mareykanku uu fududayn doono wada hadal dhex mara Falastiiniyiinta iyo Israel, oo lagu gaarayo heshiis ay shacabka labada dhinac si nabad ugu wada noolaanayaan Bariga Dhexe, iyadoo Falastiiniyiinta ay yeelanayaan dal madaxbannaan.