Home Wararka Maanta Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo amaanay Gudoomiyaha Degmada Doolow

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo amaanay Gudoomiyaha Degmada Doolow

by Laacib

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo muddooyinkanba ku sugnaa Gobolka Gedo ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii la kulmay Gudoomiyaha Degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey), xilli xiisad cusub ay ka soo korortay degmadaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa Arbacadii laga hor istaagay in ay ka soo gudbaan Garoonka Diyaaradaha Doolow, xilli ay doonayeen in ay booqdaan magaaladaasi. Tani ayaa keentay in wafdiga Taliyaha Ciidanka Dhulka ay markii dambe aadaan dhinaca Doolow Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha iyo saraakiishii kale ee la socday ay Khamiistii dib ugu laabteen Magaalada Muqdisho. Tallaabada lagu hor istaagay ayaana la sheegay in ay ka carreysiisay dadka reer Doolow.

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ayaa sheegay in Gudoomiyaha Degmada Doolow ay ka wada hadleen xaaladda amniga ee magaalada.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta nabadda, iskaashiga hay’adaha amniga iyo maamulka degmada, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo horumarka guud ee deegaanka.” Ayaa yiri Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa Gudoomiye Lafey ku amaanay, sida ay uga go’an tahay sugidda amniga iyo ka qayb qaadashada gogosha nabadeed ee Gobolka Gedo, gaar ahaan dib-u-heshiisiinta beelihii dhawaan ku dagaalamay Degmada Luuq.

Gudoomiye Lafey ayaa si dhow loola xiriiriyaa Dowlad Goboleedka Jubbaland, isagoona Dowladda Federaalka ka hortaagan in ay la wareegto maamulka degmadaasi, si la mid ah inta badan maamulada kale ee degmooyinka gobolkaasi.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Gudoomiyaha Degmada Doolow uu si toos ah ugu xiran yahay Dowladda Itoobiya, isla-markaana ay Addis Ababa tababarto ilaaladiisa, hubkana ay iyadu siiso.

Gudoomiyaha ayaa la aaminsan yahay in wada shaqayn dhow uu la leeyahay Militariga Itoobiya ay ilaaliya amniga Garoonka Diyaaradaha Doolow.

Dowladda Federaalka ayaa billihii la soo dhaafeysay qarameynaysay ciidamada taabacsan Jubbaland ee ku sugan Degmooyinka Gobolka Gedo, balse ay saraakiisheedu ku adkaatay in illaa iyo hadda ay xiriir la yeeshaan kuwa ku sugan Degmada Doolow, isla-markaana ka amar-qaata Gudoomiyaha degmadaasi.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Gudoomiye Lafey marar badan loogu gacan haatiyay in uu ka tanaasulo taageeradiisa Jubbaland, uuna u hoos yimaado Dowladda Federaalka, laakiin uu ku gacan seyray.

Dowladda Federaalka ayaa qorsheynaysa in maamul cusub oo dadka reer Jubbaland ay leeyihiin ka dhisto Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo iyo in gacanta lagu qabto dhammaanba degmooyinka gobolkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Axaddii gaaray Magaalada Addis Ababa ayaa Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed kala hadlay khilaafka siyaasadeed ee Dowladda Soomaaliyeed kala dhaxeeya Dowlad Goboleedka Jubbaland, waana xilli Itoobiya ay kumanaan askari ka joogaan Gobolka Gedo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayay wararku sheegayaan in Raysal Wasaare Abiy Ahmed uu ka dalbaday in Ciidamada Itoobiya aysan carqaladeyn qorshaha Villa Somalia ay gobolka uga dhiseyso Jubbaland ay dowladdiisu aqoonsan tahay.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa ku sugan Garbahaarey, oo ah magaalada la doonayo in maamulka cusub lagaga dhawaaqo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc