Home Wararka Maanta Ciidanka Danab oo la geeyay Magaalada Baydhabo

Ciidanka Danab oo la geeyay Magaalada Baydhabo

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa maanta ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ka dejisay Magaalada Baydhabo, si ay uga qayb qaataan dadaalada lagu xasillinayo magaaladaasi.

Ciidamadan oo la socday diyaarad ka timid dhinaca Magaalada Muqdisho ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka tirsan yihiin ciidamo cusub oo Danab ah, isla-markaana Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud uu 4-tii bishan tababar ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Gaashaanle Xasan Tuure (Ex Ballidoogle) ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan ay hadda ku sugan yihiin Xarunta Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Baydhabo, isla-markaana la gayn doono duleedka magaalada oo fariisimo ay ka sameysan doonaan.

Kumaandooska Danab ayaa waxay xoojin u noqonayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee ka hawlgala magaaladaasi.

Tallaabadan ayay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga jawaabeysaa codsi dhawaan uga yimid Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Aadan Madoobe oo Arbacadii Madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmay Muqdisho ayaa weydiistay in loo soo diro ciidamada laga maarmi karo.

Aadan Madoobe ayaa xiriir adag la leh Dowladda Federaalka, taasoo si dhow ula shaqeynaysa maamulkiisa cusub.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc