Home Wararka Maanta Taliyaha Qaybta 60aad oo gaaray Degmada Baraawe (SAWIRRO)

Taliyaha Qaybta 60aad oo gaaray Degmada Baraawe (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Yariisow Aadan iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha oo ka ambabaxay Xarunta Taliska ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Baraawe ku soo dhaweeyay Saraakiisha Guutada 6aad ee Qaybta 60aad, Maamulka Degmada Baraawe, Taliyaha Saldhigga Booliska Baraawe ahna Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baraawe, Gaashaanle Maxamed Cali Guud iyo saraakiil ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Taliyaha ayaa Baraawe u tegay u kuurgelidda xaaladda amniga ee degmada & deegaanada hoostaga iyo sidii looga bilaabi lahaa Hawlgalka Duufaanta Aamusan ee muddooyinkanba ka socday qaybo ka mid ah gobolkaasi.

“Ujeeddada safarka Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa la xiriirta kormeer iyo qiimayn guud oo ku saabsan howlaha amni ee ka socda gobolka, gaar ahaan dadaalada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida Magaalada Baraawe iyo deegaanada hoos yimaada iyo sidii looga bilaabi Hawlgalka Duufanta oo ka socday Gobolka Shabellaha Hoose.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Qaybta 60aad.

Dhanka kale Taliyaha oo kulan gaar ah la qaatay saraakiishii soo dhaweysay ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga ciidamada iyo Maamulka Degmada Baraawe, si gacan bir ah loogu qabto amniga, loona dardargeliyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Socdaalka Taliyaha Qaybta 60aad ee Degmada Baraawe ayaa imanaya, xilli Xarunta Taliska Guutada 6aad loo rarayo deegaanka Ambareesa ee duleedka Baraawe.

Ciidanka Guutada 6aad ayaa 11 sano ka dib laga rarayaa gudaha magaalada oo saldhigoodu uu ahaa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc