Madaxweynihii hore ee Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, ka dib wax ka badan saddex sano oo uu dalka ka maqnaa.
Xubno ay ka mid yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo siyaasiyiin ayaa Madaxweynihii hore ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Farmaajo ayaa dalka isaga tagey billo yar uun ka dib, markii bishii June ee sanadkii 2022 uu xafiiska ku wareejiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee 15-kii bishii May ee sanadkaasi dalka ka qabsoomtay.
Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynihii hore ee dalka uu haatan ka yimid dalkaasi Turkiga.
Farmaajo ayaa saddexdii sano ee ugu dambeysay ku noollaa dalka Qatar, ka dib markii uu dib u dejin ka helay dowladda dalkaasi.
Dib ugu soo laabashada Farmaajo ee dalka ayaa imaneysa, iyadoo muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh uu gabaabsi ku sii dhow yahay, uuna jiro diyaargarow ku aaddan doorashada sanadka soo socda lagu wado in dalka laga qabto, inkastoo uu khilaaf ka jiro nooca doorasho ee ay tahay in la qabto.
Farmaajo ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu cadcad ee bedeli kara Madaxweyne Xasan Sheekh.
Inkasta oo Farmaajo uu qayb ka yahay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka, haddana xubin kama ahan isbahaysiyada ay ku mideysan yihiin Xubnaha Mucaaradka.
Farmaajo ayaa illaa iyo hadda u muuqdo siyaasi keli-duul ah, walow aan la ogeyn waxa billaha soo socda iska bedeli kara.