Qaar ka mid ah haweenka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta isugu soo baxay afaafka hore ee Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo, iyagoo cambaareynaya jirdilkii waqooyiga magaaladaasi loogu gaystay gabadhii da’yarta ahayd ee marki dambena u geeriyootay.
Meydka Saabiriin Saylaan Cabdile ayaa habeen hore la keenay Isbitaalka Weyn ee Gaalkacyo, iyadoo dhakhaatiirtu ay caddeeyeen in gabadhaasi ay u geeriyootay jirdil in muddo ahba lagu sameynayay.
Gabadhan oo waalidiinteeda ay dhinteen ayaa la nooleed qoys ay qaraabo yihiin, oo degan waqooyiga Gaalkacyo oo Puntland ay maamusho.
Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay Hodan Maxamuud Diiriye 34 jir ah, kuna eedeysan dilka marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdile oo 14 jir ahayd.
Ururka Haweenka Gobolka Mudug oo hoggaaminayay bannaanbaxan oo caddaalad loogu raadinayay gabadha yar ayaa ka horyimid in la aaso.
Haweenka oo dhegxaan ku xiray waddada horumarta isbitaalka uu meydka gabadhaasi yaalo ayaa dalbaday in si degdeg ah sharciga loo horkeeno haweeneyda loo soo xiray dilkeeda.
Haweenka reer Gaalkacyo ayaa maamulka gobolka iyo kan degmada uga digay in marxuumadda la aaso, iyadoo aan caddaalad helin.
Wararka ayaa sheegaya in xubno ka mid ah haweenkaasi ay hordhooban yihiin qaybta qaboojiyaha isbitaalka ee meydadka lagu kaydiyo, iyagoo markaasi ka biyo diidan in meydka gabadhaasi laga saaro.
Masuuliyiinta Puntland ee gobolka iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa isku dayaya in ay dejiyaan carrada haweenka deegaanka.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in masuuliyiintu ay ballanqaadeen in sida ugu dhakhsaha badan eedeysanadda loo horkeeni doono sharciga, ha yeeshee ay haweenku doonayaan in iyadoo meydka marxuumadda uu qaboojiyaha ku jiro ay haweeneyda xiran wajahdo caddaaladda.
Marxuumadda ayaa waxaa jirkeeda ka muuqanaya nabaradii loo gaystay ee sababay geerideeda, taasoo ka carreysiisay dadka reer Gaalkacyo.
Dadka ayaa si weyn u hadal haya falka foosha xun ee nolosha lagu dhaafiyay gabadhaasi da’da yareyd.