Home Wararka Maanta Gobolka Shabellaha Hoose oo uu ka socdo hawlgal lagu baadigoobayo 6 nin oo dil ku xukuman

Gobolka Shabellaha Hoose oo uu ka socdo hawlgal lagu baadigoobayo 6 nin oo dil ku xukuman

by Laacib

Waxaa maalintii labaad Gobolka Shabellaha Hoose ka socdo hawlgal gaar ah, oo ciidamadu ay ku baadigoobayaan lix nin oo Maxkamadda Militariga ay Sabtidii ku xukuntay dil toogasho, iyagoo maqaneyaal ah.

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu dilay shan qof, laguna dhaawacay shan kale oo 11-kii bishan la sheegay inay ka gaysteen ceel biyood ku yaala deegaanka Yaaq-bariweyne oo hoostaga Degmada Wanlaweyn iyo falal kale oo dad safar ahaa lagu dilay, isla-markaana ka dhacay jidgooyo u tiilay Yaaq-bariweyne.

Ciidamada Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgalkan ka wada deegaanada hoostaga Degmada Wanlaweyn
.
Ciidamada ayaa Axaddii waxay hawlgalkooda ka bilaabeen deegaanka Yaaq-bariweyne, waxayna isla shalay ay qaadeen isbaaro deegaankaasi u tiilay maleeshiyada ay ka tirsan yihiin ragga baxsadka ah.

Ciidamada ayaa waxay amar buuxa u haystaan in nolol ama gaari ay ku keenaan raggaasi, oo dhegaha ka fureystay maxkamadda oo ugu yeertay in ay yimaadaan Degmada Wanlaweyn, oo maxkamadeyntoodu ay ka dhacday, waana ka hor inta aan xukunka dilka ah lagu xukumin.

Ciidamadan ayaa waxay kaloo amar u haystaan inay la dagaalamaan maleeshiyada ka soo kala jeedda Wanlaweyn iyo Yaaq-bariweyne, haddii ay isku dayaan inay dhigtaan isbaarooyin lagu dhibaateynayo dadka safarka ah iyo gaadiidleyda.

Amarkan ayaa waxaa fulintiisa si gaar ah loogu xil saaray Taliyaha Guutada 7aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Saldhigga Booliska Wanlaweyn, sida uu sheegay Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, G/dhexe Axmed Xaaji Cabdullaahi (Kamey).

Ragga la raadinayo ayaa lagu kala magacaabaa Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi Tuurey).

Raggan ayaa lala xukumay xubno kale oo maxkamadeyntoodu ay ka dhacday gudaha Wanlaweyn, laguna helay in ay nolosha ku gubeen Isxaaq Daa’uud Maxamed iyo kuwo kale oo maxkamaddu ay ku heshay in dil wadareed ay bishii October ka gaysteen deegaanka Warta Cismaan oo hoostaga Wanlaweyn.

Maxkamadda aya markiii ugu horreysay soo fara-gelisay rabshadaha ay ku lugta leeyihiin maleeshiyaadka qabaa’ilada ee hubeysan, ka dib falkii ay dadku ka caroodeen ee 7-dii bishan ka dhacay tuulada Dudumaaye oo hoostagta Degmada Wanlaweyn, laguna gubay Isxaaq Daa’uud Maxamed oo ahaa oday dhimirka ka xanuunsan.

Laba sano iyo dheeraad ayay maleeshiyadu ku lug lahayd dilal salka ku haya aanooyin qabiil, oo ay ka gaysanayeen inta u dhaxeyso Wanlaweyn iyo Yaaq-bariweyne.

Dilka Isxaaq Daa’uud ayaa keenay in loo dhaqaaqo wax ka qabashada falalka lagu beegsanayo dadka aan waxba galabsan ee ka dhacayay deegaanada ku xeeran Degmada Wanlaweyn.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc