Home Wararka Maanta Diyaarado dagaal oo waraaqo ku daadiyay Degmada Jamaame

Diyaarado dagaal oo waraaqo ku daadiyay Degmada Jamaame

by Laacib

Wararka ka imanaya Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay gelinkii dambe ee Arbacadii waraaqo digniin ah ku dadiyeen degmadaasi, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ay wadaan guluf ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Diyaaradahan oo aan la aqoon dalka laga leeyahay ayaa siday farriin ay dadka deegaanka ugu sheegayaan in ay isaga fogaadaan meelaha ay ka ag-dhow yihiin dagaal-yahanada Al Shabaab, tani oo macnaheedu yahay in ay hadaf yihiin.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa toddobaadkii saddexaad hawlgal ka wada deegaanada dhaca jiinka Webiga Jubba ee hoostaga degmadaasi iyo weliba waddada laamiga ee tagta Jamaame.

Dadka reer Jamaame qaarkood ayaa 16-kii bishan bilaabay in ay isaga barakacaan magaalada, ka dib duqayn ay dad rayid ah ku dhinteen oo ka dhacday nawaaxiga magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in duqaymaha lagu bartilmaameedsanayo dhufeysyada iyo saldhigyada ay Shabaab ku leeyihiin bannaanada Jamaame, gaar ahaan dhulka hawdka ay weli sii socdaan.

Maleeshiyada ayaa ku dagaalameysa, sidii ay u sii haysan lahayd magaaladan, oo aan mar qura laga saarin, tan iyo sanadkii 2008.

Digniintan ayaa baqdinta ku kordhineysa dadka weli ku harsan magaalada ee u joogay bal inay qiimeeyaan, waxa ay xaaladdu ku dambayn doonto. Dadka reer Jamaame ayaa dhowr jeer oo hore barakacay, inta ciidamada ay hawlgalo ka bilaabeen deegaanada hoostaga iyo duqaymo Al Shabaab loogu gaystay duleedyada iyo gudaha magaalada, balse aysan ciidamadu xaqiijin in ay ka saaraan maleeshiyadaasi.

Shabaabka ayay horey ugu suurtagashay inay fashiliyaan isku dayadii lagu doonayay in lagaga saaro magaaladan, iyadoo hawlgalkii ugu dambeeyay ee ay ka hortaggaana uu ahaa midkii bishii March ee sanadkii hore ay ciidamadu ugu dhaqaaqeen inay qabtaan magaalada, balse ay ka gudbi waayeen dhufeysyada ay maleeshiyadu ku leedahay hawdka u dhaxeeya Baar Sanguuni iyo Jamaame.

Hadda, inkastoo Shabaabku ay dareemayaan culeyska uu leeyahay hawlgalkan socdo, haddana waxay isku dayayaan in ay hakiyaan ciidamada loo soo abaabulay in ay qabtaan magaaladan.

Jamaame ayaa qiimo weyn u leh Shabaab, marka aad eegto in ay muhiim u tahay joogitaankooda Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Jilib ayaa noqotay xarunta ugu weyn ee ay Shabaabku ku leeyihiin dalka, ka dib markii bishii October ee sanadkii 2014 ay lumiyeen gacan ku haynta Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dadka ay khasabka ku noqoto in ay Jamaame isaga baxaan ayaan tagi karin dhinaca Magaalada Kismaayo, maadaama ay xiran tahay waddada isku xirto Jamaame iyo Kismaayo, laakiin dadka ayaa gabaad u raadsan kara Jilib ama deegaanka Kuunya Barrow oo hoostaga Degmada Baraawe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc