Home Wararka Maanta Al Shabaab oo dhaawacyada dagaalka Jamaame u qaadeysa dhinaca Jilib

Al Shabaab oo dhaawacyada dagaalka Jamaame u qaadeysa dhinaca Jilib

by Laacib

Wararka ka imanaya Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay dhaawacyadooda gaynayaan Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Shabaabka ayaa deegaanada hoostaga Degmada Jamaame kula dagaalamaya Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland, kuwaas oo doonaya in ay maleeshiyada ka saaraan degmadaasi.

Ciidamada oo taageerayo ka helaya diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ayaa cadaadiska militari ku kordhinaya maleeshiyada isku dayeysa in ay difaacato gacan ku haynta magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawacyada ay Shabaabku ka soo qaadayaan aagagga dagaalka ay keenayaan Jamaame, halkaas oo looga sii qaadayo dhinaca Jilib.

Shabaabka ayaan dhaawacyadooda ku dhex hayn karin Jamaame, sababtoo ah magaalada oo hadaf ah iyo in xitaa dhaawacyadooda lagu duqayn karo.

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada ka taageeraya hawlgalka hawada ayaa mararka qaarkood garaacaya goobaha ay Shabaabku kaga sugan yihiin bannaanada magaalada.

Shacabka ku dhaqan Jamaame ayaa Arbacadii lagu wargeliyay in ay ka fogaadaan meelaha ay Shabaabku ka ag-dhow yihiin, taasoo ku tusineysa in xilli kasta ay bartilmaameed noqon karaan.

Shabaabka ayaa waxaa hortaalla shaqo adag, si ay u difaacdan magaaladan, oo mar keliya aan laga saarin, tan iyo sanadkii 2008.

Dhaqdhaqaaqyada iska soo horjeeda ee sii xoogeysanaya ayaa baqdinta ku kordhinaya dadka deegaanka.

Ciidamada ayaa laga yaabaa in ay xaqiijiyaan yoolkooda dagaalka ay markii ugu horreysay ku xoreynayaan Jamaame, haddii aysan dhex uga tagin hawlgalkan, sidii dhowr jeer oo horeba dhacday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc