Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha Somaliya oo ka hadlay sababta ay ugu jawaabi la’yihiin Trump

Raysal Wasaaraha Somaliya oo ka hadlay sababta ay ugu jawaabi la’yihiin Trump

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay weerarada afka ah ee sii kordhaya ee Madaxweyne Donald Trump uu ku hayo Soomaalida.

Raysal Wasaaraha oo maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirweynaha 6aad ee Hoggaanka & Hal Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed, isla-markaana wax laga weydiiyay sababta aysan dowladda uga jawaabeynin hadalada xanafta leh ee Madaxweynaha Mareykanka uu sida tooska ah ugu weerarayo Soomaalida ayaa sheegay in Somaliya oo keliya aysan ahayn cidda uu Hoggaamiyaha Mareykanku dhalleeceynayo.

Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in Trump uu afxumeeyay dalal badan, oo ay ku jiraan kuwo Afrika ah oo uu ka xusay Nigeria iyo Koonfur Afrika.

“Horta Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka, Somaliya keliya ma ahanee wadamo badan ayuu afxumeeyay runtii. Nigeria ayuu wax ka sheegay, South Africa ayuu sidaas oo kale wax uga sheegay.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaare Barre oo sii hadlayay ayaa qiil u yeelay sababta ay uga aamusan yihiin dhalleeceynta uu sida joogtada ah uu Trump ugu beegsanayo Soomaalida, isagoona sheegay in waxyaabaha qaar in laga jawaabo ay ka habboon tahay in laga aamuso.

“Waxaa jira mararka qaarkood waxyaabo la yiraahdo salaaman ku dhaafa. Inaan macno u yeelno waxaa ka dhib yar inaan iska dhaafno.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Barre.

Trump ayaa Talaadadii Soomaalida Mareykanka ku tilmaamay kuwo qashin ah oo aan dalka waxba ku soo kordhin, wuxuuna cod dheer ku sheegay in dadka noocaas ah aysan u dooneyn dalkooda.

Trump ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin in ay dalka sii joogaan Soomaalida aan haysan sharciga deganaanshaha ee dalkaasi, isagoo tusaaleynaya in kuwii ka horreyay ay noqdeen kuwo aan shaqeysan, balse keliya ku tiirsan ceyrta ay dowladdu siiso bulshada jilicsan.

Trump ayaa xoojiyay hadaladiisa carrada abuuraya ee ka dhanka ah Soomaalida, ka db toogashadii toddobaadkii hore ka dhacday agagaarka Aqalka Cad.

Maamulka Trump ayaa ka dib toogashadaasi ku dhawaaqay inay joojinayaan go’aanada dib u dejinta, iyadoona Gobolka Minnesota oo Soomaalida ay ku badan tahay uu ka socdo dhaqdhaqaaq la sheegay in ay ka wadaan Ciidamada Ilaalada Socdaalka, oo lagu bartilmaameedsanayo Soomaalida aan sharciga lahayn.

Arrintan ayaa xiisad ka abuurtay magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo Saint Paul, ka dib markii Warbaahinta Mareykanka ay baahisay muuqaalo muujinaya Ciidamada ICE oo si aan wanaagsaneyn ula dhaqmaya Soomaalida sharciga leh.

Ciidamada ICE ee dadka musaafuriya ayaa laga cabsi qabaa in ay si xoog ah ku celiyaan dadka aan ahayn Soomaalida bilaa sharciga ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc