Militariga Somaliya ayaa maanta deeq gargaar gaarsiiyay dadka reer Sabiid & Caanoole ee Gobolka Shabellaha Hoose, xilli dadka deegaanku ay ka cabanayeen wax la’aan, waana xilli Sabtidan xarigga laga jaray Buundada Sabiid iyo Caanoole, ka dib markii dib u dhis lagu sameeyay.
Buundadan oo muhiim u ahayd isu socodka bulshada deegaanka iyo marinada ganacsiga ee gobolka ayaa waxaa bishii June burburisay Al Shabaab, iyadoo uu socday hawlgal xilligaasi dib maleeshiyadeeda looga saarayay deegaankaasi.
Hoggaanka Isku Xirka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shacabka ee CIMIC ayaa deeqdan oo isugu jirta raashiin iyo mara kaneecooyin gaarsiiyay dadka deegaanka, kuwaas oo intooda badan barakac uga maqan guryahooda. Dadkan oo hadda ku nool tuulooyinka ku dhow dhow Sabiid iyo Caanoole ayaa ku soo laabtay deegaanka, ka dib markii lagu wargeliyay in deeq gargaar loo sido.
Madaxa Hoggaanka CIMIC, G/sarÄ™ Iiman Maxamuud Cali iyo xubnaha kale ee CIMIC ee kala shaqeeya gargaar bixinta ayaa deeqdan si siman ugu qaybiyay dadka oo si weyn ugu baahi qabay.
Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil ka tirsan Militariga Turkiga ee Xerada TURKSOM ayaa goobjoog ka ahaa goobtii dadkan deeqda lagu siinayay.
Dadka deegaanka kuwooda qaba xaaladaha caafimaadka ayaa sidoo kale waxaa isla maanta dawayn loogu sameeyay deegaankaasi.
Dadka reer Sabiid & Caanoole ayaa codsaday kaalmo dheeri ah, haddii aysan deeqdan dabooli karin baahiyahooda, balse ay u noqoneyso dhiig joojin. Dadka deegaanka ayaa waxay kaloo codsadeen in dib u dhis loogu sameeyo guryahooda.
Shabaabka oo 15-kii bishii March dagaal ku qabsaday deegaankaasi ayaa lagu eedeeyay in ay bartamihii sanadkan burburiyeen guryihii shacabka, isla-markaana ay dadkii deegaanka ku amreen in ay si dhakhsa ah halkaasi uga baxaan, ka dib markii ay xaqiiqsadeen in ay lumin rabaan gacan ku haynta deegaanka.
Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka AUSSOM ayaa bishii June weerar ballaaran ku qaaday maleeshiyadii ku sugneyd deegaankaasi, iyagoona ku guuleystay in ay ka saaraan, waana markaas marka ay Shabaabku bilaabeen inay qarax ku burburiyaan Buundadii Sabiid & Caanoole iyo inay dhulka la simaan guryihii la deganaa.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa ku cawday in Shabaabku ay guryahooda ka sameysteen dhufeysyo iyo gabaad ay kaga gaashaantan gulufkii ballaarnaa ee xilligaasi lagu qaaday.
General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka oo ka hor hadlayay dadka deegaanka ee deeqda la gaarsiiyay ayaa sheegay in masuuliyiinta ka socota Dowladda Federaalka ay ugu yimaadeen inay la qaybsadaan dhibaatada ay wajahayaan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cali Xoosh oo intaasi ka dib hadalka qaatay ayaa sheegay in dowladdu ay garab taagan tahay, wixii karaankeeda ahna ee la awoodo aysan ka hagran doonin.
Wasiir Xoosh ayaa xusay in wasaaraddiisu ay u soo diri doonto koox qiimeysa inta ay le’egtahay dhibaatada ka jirta deegaanka, si wixii laga la qaban karo, falkeeda loogu dhaqaaqo.
Wasiir Fiqi oo isna u laab qaboojinayay dadka deegaanka, isla-markaana garab istaag u muujinayay ayaa yiri “Dowladda Somaliya way idiin la joogaan masuuliyiinteeda, waxayna idiin kula joogaan wixii ay Shabaab idin yeeleen inay idiinka dhaqaan.”
Fiqi ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Wasiirka Arrimaha Gudaha guddi buu soo diri doonnaa, wixii ay Shabaab burburiyeen iyo dhulkii ay qodeen oo dhan in la aaso.”
Duruufta nololeed ee ka jirta deegaanka, burburinta guryihii la deganaa iyo in Shabaabku ay meesha ka saareen adeegyadii bulshada ee deegaanka ayaan dadka deegaanka u saamaxayn inay noloshoodii ka sii wataan.
Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Difaaca oo goor sii horreysay oo maanta ah ka hadlayay munaasabadda xarig jarka ee Buundada Sabiid & Caanoole ayaa mintidiinta Al Shabaab ku eedeeyay inay diin sheeganayaan, haddana ay u daran yihiin nolosha dadka iyo diintaba.
Ballanqaadkan ay Wasiirada ka tirsan Dowladda Federaalka sameeyaan ayaa rajo badan gelinaya dadka deegaanka.
