Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ka badbaaday qaraxii boqolaalka qof ku dhinteen ee 14-kii bishii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Maanta oo kale sagaal sano ka hor ayay ahayd, markii nin kaxeynayay gaari nooca xamuulka oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu si kedis ah isugu qarxiyay isgoyskaasi, xilli uu mashquul ka jiray. Xogaha la diiwaangeliyay ayaa muujinaya in 587 qof ay ku dhinteen qaraxaasi, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen. Qaraxan oo noqday midkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Somaliya ayaa waxaan jirin cid sheegatay masuuliyaddiisa, inkastoo si dhow loola xiriiriyo maleeshiyada Al Shabaab.
“Anigu maalintaa runtii dadkii Ilaahay ka badbaadiyay baan ku jiray. Markaas ayaan maray oo meel 200 oo tallaabo ka fogeyn ama wax yar ay raaceyso guri aan deganaa markaan saas u galay guriga ayuu qaraxaasu uu dhacay. Anigii dhulkan ku dhacay, baabuur ordaaya Ilaahay baa i dhaafiyay meel uu ka yimid aanan garaneynin waxa uu ku dhacay agteeda.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo xusay “Culeys aad u weyn ayaa runtii dhacay. Marka kulligeen dadkii Ilaahay maalintaas ka badbaadiyay inta hadda joogta ayaan ka mid nahay oo goobjoog baanu u ahayn, wixii dhacay.”
Raysal Wasaaraha oo Arbacadan ka hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa yiri “Maalintaas murugada lahayd, argagixisadu waxay doonayeen in ay cabsi abuuraan, rajada Soomaaliyeed-na ay baabi’iyaan, laakiin waxaa Ilaahay mahadiis ah inaysan ku guuleysan. Waxay argagixisadu shacabkeenna gaarsiiyeen xanuun iyo murugo aan la qiyaasi karin, balse Somaliya ma aysan jebin. Waxay dileen dad aan waxba galabsan, laakiin nagama aysan reebin dadnimadeenna, Muslimnimadeenna, midnimadeenna iyo go’aankeenna ku aaddan in aan nabad ku wada noolaano.”
Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in maanta oo kale ay u aqoonsadeen Maalin Qaran, isagoo daba jooga qaraarkii ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ansixiyeen 10-kii bishii November ee sanadkii hore ee 2025, kaas oo 14-ka October looga dhigayo maalin lagu xuso dhibaneyaasha argagixisada.
“Waxaad ogtihiin sida horeyba Baarlamaanku la sheegay inay soo saareen in lagu maamuusay maanta oo kale inay noqoto, oo ah maalinta 14-ka October in loo asteeyo Maalinta Qaran ee Somaliya ee la dagaalanka iyo ka hortagga xagjirnimada. Maalintani waxay sanad kasta noqon doontaa maalin la xuso oo la cusbooneysiiyo go’aanka qaran ee ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Barre.
Barre ayaa hadalkan ka sheegay Shirweynaha Qaran ee Ka hortagga iyo La dagaalanka Fekerka Xagjirka ah oo maanta ka furmay Muqdisho, kaas oo laba maalmood socon doona.
Dowladda Somaliya ayaa muddo dheer dagaal kula jirtay Al Shabaab, oo lagu tilmaamo ururka argagixiso ee ugu khatarta badan ee ka jira Afrika.