Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa xoojiyay farriinta uu dhinacyada shirka ugu soo geba-gaboobay Magaalada Kismaayo ay u direen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee lagaga dalbanayo in uu miiska wada hadalka ku soo laabto, si heshiis looga gaaro is mari-waaga ka taagan nooca doorasho ee laga qabanayo dalka, sanadka 2026.
Shirka Kismaayo ayaa caawa laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban 17 qodob, iyadoo qodobka 6aad loogu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu muddo bil ah uu shir isugu yeero danleyda siyaasadda ee dalka, haddii la waayana waxaa qodobka 7aad lagu sheegay in Golaha Mustaqbalka Somaliya, oo ay ku mideysan yihiin Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka uu qaban doono doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada. Waxaa xusid mudan in muddada loo qabtay Madaxweynaha ay ka bilaabaneyso 20-ka bishan December, kuna eg 20-ka bisha January.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in waqtigu uu dhow yahay, isla-markaana ay is daba yaallaan qodobada 6aad iyo 7aad ee warmurtiyeedka shirkii Kismaayo.
“Waqtigu wuu dhow yahay, qodobka 6aad iyo kan 7aad way is daba yaalaan, haddii sidaa la yeeli wayo in sidaa la yeelayo, waa la ogyahay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Waxa kaloo uu yiri “Inta keliya ee laga sugayo Madasha Samatabixinta iyo Golaha Mustaqbalka, inta aan soo qornay inaan fulino weeye.”
Madaxweynaha oo caawa ka hadlayay munaasabaddii lagu soo xirayay shirka saddexda maalmood ka socday Kismaayo ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay, sidii loo fulin lahaa waxa lagu heshiiyay ee ka soo baxay shirkaasi.
“Inta aan soo qornay inaan fulino weeye. Waxay Jubbaland mar walba diyaar u tahay gogol kastoo Soomaaliyeed inay dhigto, waxaana diyaar u nahay wixii lagu heshiiyay, sidii loo meelmarin lahaa inaan ka shaqayno, waxaana diyaar u nahay, haddii loo baahdo inaan firaaq dastuuri ah imaanin inaan ka shaqayno.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe oo ka hadlayay waxa ay isku qabteen isaga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa yiri “Maanta waxaan aniga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh isku khilaafsanahay, waxay ahayd nin yahow doorasho iyo sharci uma baahnin aan iska joogno, dhan walba waan helaynaa.”
Axmed Madoobe ayaa timaamay in uu diiday in si sharci darro ah uu xafiiska ku joogo, isagoo tusaaleynaya doorashadii uu maamulkiisu qabtay bishii November ee sanadkii 2024, isla-markaana aanu Madaxweyne Xasan Sheekh ka ogolaan doonin in si aan nidaam ahayn uu isna xafiiska ku sii joogo.
Axmed Madoobe ayaa carabka ku adkeeyay in ay u yeeri doonaan siyaasiyiinta kale ee dalka, iyagoo fulinaya qodobadii warmurtiyeedkooda.
Axmed Madoobe ayaa intaasi ku daray “Waxaan leeyahay Madaxweyne Xasan Sheekh talada kaa lama jirto dibad iyo dowlad kale ee kuwaan ayay kaa la jirtaa, iyaga ayay talada idinka dhaxeysaa.”
