Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inay la hadlayaan mucaaradka (SAWIRRO)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inay la hadlayaan mucaaradka (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ogolaaday in dowladdiisu ay wada hadal la gasho dhinacyadii uu Sabtidii shirka ugu soo geba-gaboobay Magaalada Kismaayo ee soo jeediyay in laga heshiiyo nooca doorasho ee dalka laga qabanayo.

Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Somaliya ayaa Madaxweynaha ka dalbaday in uu muddo bil ah isugu yeero saamileyda siyaasadda, si heshiis looga saaro khilaafka taagan doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha oo galabta soo xiray ololaha Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in qolada Kismaayo ay la qaadanayaan, wixii wanaag ah ee ku jira warmurtiyeedkii ay soo saareen, isagoona ka xusay qodobka ku aaddan in la wada hadlo, si doorasho loo dhan yahay ay dalka uga qabsoomto.

“Qoladii ku shirtay Magaalada Kismaayo wixii ay ka soo saareen halkaa, wixii wanaag ah ee ku jira waan la qaadanaynaa, waana la hadlaynaa. Waxaa ka mid ahayd hal qodob, oo ah ha la wada hadlo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gogosha ay fidsan tahay, dowladda xageedana ay markii horeba ka furneyd.

“Gogosha waa fidsan tahay, dowladda xageeda waa ka furneyd, Xafiiska Madaxweynaha ayay ka furneyd. Weli waa fidsan tahay, wayna furan tahay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Siyaasiyiintii Mucaaradka ee bartamihii sanadkan ay wada hadalka yeesheen iyo haddii ay jiraan kuwo kale oo doonaya in wada hadalkan cusub ay qayb ka noqdaan.

“Dowladdu baaqaasi jawaab ayay ka soo saareysaa mar dhow, sifo rasmi ah ayayna uga jawaabi doontaa, hadduu Alle yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga dhadhansan karay in ay soo dhaweynayaan Madaxda Puntland iyo Jubbaland, haddiiba ay doonayaan in wada hadalka ay ku soo biiraan.

“Colaad iyo ciil ma qabno, cid aan diidanahay ma jirto. Ha la wada hadlo ma diidanin, ha la heshiiyo ma diidanin, hore ha loo socdana ma diidanin.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay in dowladdiisu ay diidan tahay horu-socod la’aan iyo doorasho aan ka horumarsaneyn doorashooyinkii horey dalka looga qaban jiray.

Golaha Mustaqbalka Somaliya oo ay ku mideysan yihiin isbahaysiga ugu weyn ee Dowladda Federaalka ka soo horjeeda ayaa 20-kii bishan soo jeediyay in loo baahan yahay in heshiis laga gaaro khilaafka hareeyay doorashada soo socota, haddii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dhega adeygana ay qaban doonaan doorasho ay sheegeen in looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka ay wajahayaan cadaadis uga imanaya Beesha Caalamka, oo riixeysa in dalka laga qabto doorasho wadar ogol ah.

Dalalka deeq-bixiyeyaasha ayaan wax dhaqaale ah ku taageeri doonin doorasho hal dhinac ah amaba aan loo dhameen.

default

default

default

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc