Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Kulanka Madaxweyneyaasha Somaliya iyo Turkiga + SAWIRRO

Macluumaad la xiriira: Kulanka Madaxweyneyaasha Somaliya iyo Turkiga + SAWIRRO

by Laacib

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Istanbul, iyagoona ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Labada Madaxweyne ayaa si dhow uga wada hadlay, sidii Somaliya looga taageeri lahaa dadaalada ay ku difaaceyso midnimada, qaranimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliya. Waxay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal, danahooda wadajirka ah, guulaha laga gaaray howlaha shidaal sahminta dalka iyo shidaal qodista la filayo in horaanta sanadka soo socda ee 2026 laga bilaabo dalka.

Madaxweynaha Somaliya ayaa xalay gaaray dalkaasi Turkiga, si uu wada hadal ula yeesho dhiggiisa Turkiga, ka dib markii Israel ay Jimcihii ku dhawaaqday in ay Somaliland u aqoonsatay dal ka madaxbannaan Somaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa habeenkii Isniinta fadhi degdeg ah ka yeeshay aqoonsiga ay Israel u fidisay Somaliland, iyadoo uu kulanka ahaa mid ay codsatay Dowladda Somaliya, oo sheegtay in aqoonsigu uu qalalaase amni ka abuurayo gobolka.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Somaliya oo gelinkii dambe ee maanta ka hadlayay shir jaraa’id oo isaga iyo dhiggiisa Turkiga ay ku qabteen Istanbul ayaa u mahadceliyay dalalka gobolka iyo kuwa kale ee caalamka ee ka horyimid tallaabada Israel ay ku aqoonsatay Somaliland, isagoona ku sifeeyay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobey, mabaadi’da Midowga Afrika iyo habdhaqanka diblomaasiyadeed.

“Tani waxay jideynaysaa tusaale khatar ah oo ka soo horjeeda mabda’a madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya oo ka garab hadlayay Madaxweynaha Turkiga.

“Falalka noocan oo kale ah ayaa abuuraya xaalado dhiirigeliya kooxaha xagjirka ah ee rabshadaha gaysta, kuwaas oo ku kobcaya sheekooyinka fara-gelinta dibadda.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo intaasi ku daray “Natiijadu waxay sii hurineysaa nabadgelyo xumada Somaliya iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika, oo ay horeyba uga jireen rabshado hubeysan, cadaadis bani’aadantinimo iyo jilicsanaan siyaasadeed.”

Madaxweyne Erdogan ayaa dhankiisa si weyn u taageeray midnimada iyo wadajirka Somaliya, waxaana uu cambaareeyay go’aanka ay Israel ku aqoonsatay Somaliland, oo uu ku tilmaamay mid aan sharci ahayn oo aan la aqbali karin.

“Ilaalinta midnimada iyo qaranimada Somaliya, xaalad kasta waxay inoo leedahay mudnaan.” Ayuu yiri Erdogan oo dhanka kale Israel ku eedeeyay inay isku dayeyso in ay Geeska Afrika geliso xasillooni darro aysan ka lug bixi karin.

Dowladda Erdogan ayaa ka digtay cawaaqibka ay leedahay tallaabada Israel ay aqoonsiga ku siisay Somaliland, taasoo ay Ankara sheegtay inay wiiqeyso dhiilitirka jilicsan ee Geeska Afrika.

Turkiga ayaa dhowr iyo tobankii sano ee u dambeysay noqday dal xulafo weyn la ah Somaliya, isaga oo ka qayb qaata dadaalada dib-u-dhiska ee Ciidamada Qalabka Sida, sidoo kalena wuxuu bixiyaa taageero lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta dowlad dhiska Somaliya.

Turkiga ayaa Somaliya ku leh saldhigga ugu weyn ee uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa, wuxuu kaloo uu Muqdisho ka furay xarunta safaaradeed ee tan ugu weyn ee ay caalamka ku leeyihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc