Home Dhacdooyin Qarax ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Switzerland (SAWIRRO)

Qarax ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Switzerland (SAWIRRO)

by Laacib

Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhimatay, tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen, ka dib markii qarax uu xalay ka dhacay goobta loo dalxiiska tago ee Crans-Montana, oo ku taala Buuraleyda Alps ee dalkaasi Switzerland.

Saraakiisha Booliska ayaa xaqiijiyay in ay jiraan dad si xun ugu dhaawacmay qaraxaasi, taasoo keeni karta inay dhimashadu korodho.

Maamulka deegaanka ayaa sheegay in aan la aqoon waxa sababay qaraxa, laakiin ay laamaha amnigu wadaan baaritaan dhacdadaasi la xiriirta.

Qaraxa ayaa ka dhacay baarka lagu caweeyo ee Constellation, xilli halkaasi la sheegay inay ka socotay xaflad loogu dabaal-degayay sanadka cusub. Baarka Constellation ayaa xudun u ah goobta loo tamashlaha tago ee barafka.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in qaraxu uu gaystay burbur xoogan. Muuqaalo la isku la wadaagay barraha bulshada ayaa muujinaya in dab uu qabsaday dhismaha goobtii ay munaasabadda ka socotay.

Qaraxa ayaa dhacay abaare 1:30am, waxayna Booliska Switzerland sheegeen in goobta uu qaraxu ka dhacay oo baar laba dabaq ah ay waqtigaasi ku sugnaayeen in ka badan 100 qof.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Valais, Frederic Gisler ayaa mar dambe shir jaraa’id ka sheegay in loo maleynayo in tobanaan qof ay ku dhinteen qaraxaasi, ka dib markii buu yiri uu dab ka kacay baarka.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ku dhawaad 100 qof oo kalena ay ku dhaawaceen dhacdadaasi. Taliyaha ayaan sheegin tirada dhabta ah ee dadka dhintay iyo kuwa kale ee dhaawacmay.

Hay’adaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaan ay ku ogaanayaan waxa sababay qaraxan, iyadoo goobaha ku dhow dhow aagga laga daadgureeyay dadkii ku sugnaan, si loo xaqiijiyo badqabka dalxiiseyaasha iyo shaqaalahaba.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc