Home Wararka Maanta Xubno Shabaab ah oo lagu dilay duleedka Degmada Warsheekh

Xubno Shabaab ah oo lagu dilay duleedka Degmada Warsheekh

by Laacib

Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa sheegtay in xalay illaa saakay la fuliyay duqayn is xigxigtay, oo maleeshiyada Al Shabaab lagu la beegsaday deegaanka Jabad Godane, kaas oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmada Warsheekh iyo deegaanka Xawaadley oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in duqaymahan lagu dilay 29 xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab iyo in sidoo kale lagu burburiyay gaadiid iyo hub ay wasaaraddu sheegtay in ay Shabaabku qorsheynayeen in ay u adeegsadaan falal argagixiso oo ka dhan ah shacabka.

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Militariga Somaliya ayaa Isniintii gudaha u galay deegaanka Jabad Godane, ka gadaal markii dagaal culus ay duleedkiisa kula galeen Al Shabaab.

Shabaabka ayaa 22-kii bishii December qabsaday Jabad Godane iyo deegaano kale oo hoostaga Degmada Warsheekh, si ay isugu soo fidiyaan waddada xeebta ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa wada hawlgalo ay kaga hortaggayaan Shabaabka markii ugu horreysay ee dhowr iyo tobanka sano ka dib lagu arkay deegaanada ku dhow dhow Degmada Warsheekh.

Warsaxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa u qornaa:-

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay ilaa saaka fuliyay hawlgalo duqayn ah oo is xigxigay, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Jabad Godane, Gobolka Shabellaha Dhexe.

Hawlgaladan ayaa lagu dilay 29 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana sidoo kale lagu burburiyay gaadiid iyo hub ay qorsheynayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso oo ka dhan ah shacabka. Tani waxay si weyn u wiiqday awooddooda dagaal iyo abaabul.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay uga mahadcelineysaa saaxiibada caalamka taageerada joogtada ah ee dhanka iskaashiga amni, xog-wadaagga iyo awood-siinta hawlgalada lagu ciribtirayo argagixisada.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale ballanqaadayaan in hawlgalada ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan, illaa laga xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc