Home Dhacdooyin Masuuliyiinta Somaliland ku metela Dowladda Federaalka oo soo saaray qodobada lagu xaqiijin karo midnimada

Masuuliyiinta Somaliland ku metela Dowladda Federaalka oo soo saaray qodobada lagu xaqiijin karo midnimada

by Laacib

Wasiirada iyo Xildhibaanada ee deegaanada Somaliland ku metela Goleyaasha Dowladda Federaalka, oo uu wehliyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, iyagoona gelinkii dambe ee maanta soo saaray bayaan ay ku mideysan yihiin, kuna aaddan aragtidooda qaabka dib loogu midayn karo dadka Soomaaliyeed.

Masuuliyiintan oo ay ka mid ahaayeen Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, Wasiirada Maaliyadda, Biixi Imaan Cige iyo Beeraha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayuu kulankoodu daarnaa xiisadda ka dhalatay aqoonsiga ay Israel u fidisay Somaliland.

Wasiir Maareeye oo ugu horrayn ka hadlay shir jaraa’id oo masuuliyiintan ay ku shaaciyeen bayaankooda ayaa sheegay in tan iyo markii Israel ay ku dhawaaqday aqoonsigeeda Somaliland ay wadatashi la lahaayeen bulshada reer Somaliland ee ku sugan Muqdisho iyo meelo kale oo adduunka ah, isla-markaana taageeran midnimada dalka, taasoo sida uu muujiyay ka daahisay inay goor horeba ka hadlaan arrintan.

Wasiirka ayaa sheegay in wada hadaladan looga hadlay arrimaha taagan ee sida uu yiri siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee dalka uu maanta ku sugan yahay.

Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa bayaanka u akhriyay Warbaahinta.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in ka dib markii ay burburtay Dowladdii Dhexe, halkii dib looga baadigoobi lahaa dhismaha Dowlad Soomaaliyeed oo la wada leedahay, isla-markaana dawo u noqota dhibaatadii jirtay inay mar kale Gobolada Koonfurta taladii dalka isku koobeen, isla-markaana ay dhisteen dowlad ay ka maqan yihiin dadka Gobolada Waqooyi, taasina ay keentay sida bayaanka lagu sheegay in dadka reer Somaliland ku dhawaaqaan gooni isku taag, sanadkii 1991-kii.

“Waxaa xusid mudan in dowladihii is xigxigay ee la dhisay 25-kii sano ee u dambeeyay ay ahaayeen kuwo ka leexday awood qaybsigii ku dhisnaa labada dowladood (Somalia iyo Somaliland) ee midoobay sanadkii 1960-kii. Waxaa intaas dheer illaa sanadkii 2000 oo Shirkii Carta la qabtay, dalka waxaa soo maray lix Madaxweyne iyo 15 Raysal Wasaare, oo dhammaantood ka soo jeeda Koonfur, marka laga reebo Allaha u naxariistee Dr. Cali Khaliif Galeyr oo isagu hayay xilka muddo billo kooban ah, mana uu jirin Madaxweyne, Raysal Wasaare iyo Baarlamaan oo qorshe ka lahaa midnimada dalka.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay inaanu is bedel iman doonin, iyadoo aan la helin hindise qaran oo dadka Soomaaliyeed isku soo dhaweynaya.

“Waxaa hubaal ah inaanu is bedel imanayn, illaa laga helayo hindise midnimo qaran oo dadka Soomaaliyeed isu soo jiijiida.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Masuuliyiintan ayaa ugu dambayn bayaankooda ku soo jeediyay baaq dhowr qodob ka kooban, iyagoona sheegay in danta dadka Soomaaliyeed ay ku jirto wadajirkooda, taas oo lagu heli karo in la soo celiyo heshiiskii midowga ee 1-dii bishii Luulyo ee sanadkii 1960-kii lagu dhisay dowladdii xilligaasi dalka u dhalatay.

Qodobada baaqa ee masuuliyiinta

1- Haddaanu nahay siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland waxaan u joognaa midnimo, waxaanu aaminsanahay in danta dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ay ku jirto wadajirka.

2- Dowladdii Soomaaliyeed ee 1-dii July ee 1960-kii dhalatay waxay ka koobneyd labadii dowladood ee Somaliya iyo Somaliland. Hannaanka lagu soo celin karo midnimadaas waa in dib loogu laabto heshiiskii midowga, dibna loo qeexaa nidaamka siyaasiga ah ee Soomaali dib u midayn kara.

3- Si aanay u gaarin dhibaato aan la mahdin doonin wadajirka iyo is ahaanshaha dadka Soomaaliyeed, waxaanu labada dhinacba ugu baaqaynaa (Somaliya iyo Somaliland), gaar ahaan dadka hoggaanka u ah bulshada in la joojiyo adeegsiga hadalada naceybka ah ee sii kala irdheynaya dadka Soomaaliyeed.

4- Marnaba uma aragno gar iyo daw in xalka mushkiladda Soomaaliyeed laga dayo dafiraadda taariikheed iyo sooyaalka siyaasadeed ee dadka Somaliland, tacaddiyadii loo gaystay iyo in weji qabiil loo yeelo khilaafaadka siyaasiga ah ee jira.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc