Home Wararka Maanta Taliyihii Booliska ee Dekedda Muqdisho oo is casilay, si uusan qayb uga noqon halaagga dhallinyarada

Taliyihii Booliska ee Dekedda Muqdisho oo is casilay, si uusan qayb uga noqon halaagga dhallinyarada

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu is casilay Taliyihii Booliska ee Dekedda Muqdisho, Korneyl Axmed Qadar Maxamed Xasan, ka dib markii uu ka horyimid in uu sii daayo waxyaabaha maanka dooriya oo ciidamadu ay gacanta ku dhigeen.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyuhu uu Jimcihii warqadda istiqaaladdiisa u gudbiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi.

Warbaahinta ayaa ogaatay in Gaashaanle Axmed Qadar uu si toos ah uga horyimid amar uu ka helay Taliyaha Ciidanka Booliska, si loo fasaxo shixnad daroogo ah oo cid aan la aqoon ay Dekedda Muqdisho kala soo degtay.

Ciidamada amniga ayaa bartamihii bishii December Dekedda Muqdisho ku qabtay kunteenar ay ka buuxaan kaniiniyo loogu talagalay in dawayn ahaan loo adeegsado, laakiin ay dad fara-badan si khaldan ugu isticmaalaan in ay ku sarqaamaan.

Ciidamada waxay ka hortaggeen in kaniiniyadan si qarsoodi ah lagu geliyo suuqyada magaalada, laakiin waxay ku guuldareysteen in ay soo xiraan ganacsatadii soo dejisay.

Kaniiniyadan ayaa ah kuwo aad u waxyeeleeya caafimaadka dadka, waxaana sanadihii u dambeeyay aad u soo badanayay dhallinta qabatimay ee gaara illaa heer ay u dhintaan, marka ay badsadaan.

Kaniiniyadan ayaa isticmaal iyo ganacsi ahaanba laga mamnuucay dalka, waxayna hay’adaha ammaanka haystaan amar ay ku soo xiri karaan kuwa ka ganacsada.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa isagoo ka duulaya khatarta kaniiniyada sida khaldan loo adeegsado, waxa uu 15-kii bishii January ee sanadkii 2025 uu soo saaray amar dalka looga mamnuucayo inaanan la keeni karin kaniiniyadaasi, isagoona ka xusay Tramadol iyo kan kale ay bulshada u taqaano Bilibili.

Gudoomiye Shuute ayaa xilligaasi Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo laamaha amniga faray in la xiro farmashiyada yaryar ee awoodda aan u lahayn inay iibiyaan kaniiniyadaasi iyo in la soo xiro ganacsatada macaash doonka ah, balse aan eegayn dhibaatada ay dhallinyarada ku hayaan.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa 7-dii iyo 23-kii bishii August ee sanadkii hore digniin adag u diray cid kasta oo ku howlan soo dejinta iyo ka ganacsiga sharci darrada ah ee kaniiniyadan, iyadoo la ilaalinayo caafimaadka iyo amniga bulshada, taas oo aad arki karto in ganacsatada ay iska dhega tirayaan.

Si kastaba ha-ahaatee Gaashaanle Sare Axmed Qadar ayaa is casilay, xilli 18-kii bishii November loo soo magacaabay in uu noqdo Taliyaha Booliska ee Dekedda Muqdisho. Xilkan ayuuna hayay wax ka yar laba bilood.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc