Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in ay qabteen Madaxweyne Nicolás Maduro, ka dib duqayn xoog leh oo waaberigii Sabtidan ay ka gaysteen dalkaasi Venezuela.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu duqayn ballaaran ka fuliyay Venezuela, ka dibna ay qabteen hoggaamiyihii dalkaasi iyo xaaskiisa.
“Mareykanku wuxuu ku guuleystay inuu fuliyo weerar ballaaran oo ka dhan ah Venezuela iyo hoggaamiyahooda Nicolas Maduro, oo isaga iyo xaaskiisa la qabtay, lagana dhoofiyay dalka.” Ayuu yiri Trump oo warkan ku sheegay bartiisa Truth Social.
“Hawlgalkan waxaa lala kaashaday Hay’adaha Fulinta Sharciga ee Mareykanka.” Ayuu yiri Trump oo intaasi ku daray in ay faah faahinta warka ku sheegi doonaan shir jaraa’id, oo sida uu sheegay la qaban doono abaare 11:00am ee xilliga Mareykanka.
Trump ayaan wax tafaasiil ah ka bixin qaabka loo qabtay Maduro iyo halka la geeyay.
Dowladda Venezuela ayaan weli xaqiijin sheegashada Trump ee ku saabsan in Mareykanka uu gacanta ku dhigay Madaxweyne Maduro.
Trump ayaa muddooyinkanba Maduro ku eedeynayay in uu hoggaamiyo urur caalami ah, kaas oo sida uu sheegay ka ganacsada daroogada.
Maduro ayaa si adag u beeniyay eedeyntaasi, wuxuuna dhegaha ka fureystay baaq uga yimid Trump, oo ku saabsanaa in isaga iyo qoyskiisa ay si nabadgelyo ah uga baxaan dalkaasi.
Maamulka Trump ayaa bishii August ballanqaaday in abaalmarin dhan konton milyan oo dollar ($50M) la siin doono, ciddii keenta xog lagu soo xiri karo Madaxweynaha Venezuela.