Waxaa baaqday booqasho la qorsheyay oo maanta ay Magaalada Muqdisho ku imaan lahaayeen wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, iyadoo aan weli la sheegin sababta ka dambeysa baaqashadooda.
Laamaha amniga ayaa waddooyinka waaweyn ee Muqdisho u xiray booqashada wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, inkastoo saacado ka dib ay dib u fureen, ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya in wafdigaasi ay baaqdeen.
Masuuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa si weyn ugu diyaargaroobay soo dhaweynta wafdiga Shiinaha, waana sababta waaberigii hore ee saaka loogu xiray waddooyinka magaalada.
Wasiir Wang Yi ayaa socdaal ku maraya afar dal oo African ah, iyadoona Somaliya ay qayb ka tahay booqashada uu sanadka cusub ku bixinayo afartaasi dal.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa Arbacadii sheegtay in Wasiirku uu booqan doono dalalka Itoobiya, Somaliya, Tanzania iyo Lesotho, inta u dhaxeyso 7-da illaa 12-ka bishan.
Ma cadda in Wasiirka uu si toos ah u baajiyay safarkiisii Somaliya iyo in uu ku iman doono, muddada ka harsan maalmaha la qorsheeyay ee safarkiisa Afrika.
Haddii Wang Yi uu maalmaha ina soo aaddan uu yimaado Somaliya ayaa waxay noqoneysaa safarkii ugu horreyay ee uu wasiir arrimo dibadeed Shiinuhu ku yimaado dalka, tan iyo sanadkii 1980-kii, waana xilli ay taagan tahay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay aqoonsiga ay Israel u fidisay Somaliland.