Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta Somaliland, ka dib markii 26-kii bishii December ay aqoonsi ka heshay Israel, inkastoo ay mucaaradad xoog leh kala kulantay dunida.
Aqoonsiga Israel ee Somaliland ayaa xiisad siyaasadeed ka abuuray gudaha, iyadoo sidoo kalena ay xiisad diblomaasiyadeed ka kicisay Gobolka Geeska Afrika iyo in intaa Dowladaha Bariga Dhexe ay ka horyimaadeen in Israel ay isku ballaariso Geeska Afrika.
Madaxweynaha Jubbaland oo maanta furay Kalfadhigga 2aad ee Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland ayaa yiri “Waxaa maalmahaan aad u badan khilaafaadka siyaasiga ah iyo kuwa kale.”
Madaxweynaha oo si dulmar ah uga hadlay arrinta Somaliland, isaga oo meelo dhow ka eegaya ayaa qiray in dadka reer Somaliland ay muddo dheer cabasho qabeen, wuxuuse meesha ka saaray in xalkooda uu ku xiran yahay meel aan Soomaali ahayn.
“Somaliland cabasho ayay muddo badan ka hadlayeen. Waxay sheeganayaan duruufo hore iyo dhibaato soo gaartay ay jirto, laakiin waxaan oran lahaa Somaliland meeshaad ka raadineysaan idiin kama jirto.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in wax kastoo ay reer Somaliland u baahan yihiin uu kaga xiran yahay Soomaali, loona baahan yahay in xalka si wadajir ah loogu raadiyo, si Soomaalinimo ah.
“Baahidiina, waxaad u baahan tihiin iyo la xaajoodkiina Soomaali buu idiin kala jiraa, Soomaali bayna ku xiran tahay, wixii xal ah ee aan raadinaynana Soomaalinimo aan ku raadino, meel kaloo xal laga raadin karaa ma jirto.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.
Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay iyadu ka masuul tahay wax kasta, oo sii kala fogeynaya dadka Soomaaliyeed, isaga oo tixraacaya xiisadda hadda jirta ee ka dhalatay aqoonsiga Israel ee Somaliland iyo khilaafkii muddooyinkanba maamulkiisa kala dhaxeeyay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Dowladda Dhexe ee Somaliya iyadaa sabab u ah maanta wax badan sii kala fogaansha ah ama burbur keeni karaya, sababtoo ah markay dowlad ka tagto nidaamkii dowladnimo iyo ilaalintii nidaamka, oo ay noqoto koox yar oo wax dayday ah oo xalkii siyaasadda dibadda iyo tii gudaha intaba dayacday, waxaa imaneysa in cid walba meelo badanoo kale gacmaha loo taago oo maanta fashilka iyo dhibaatada dhaceysa ku keeneysa ay ku ka sii waaweyn ay dhaceyso.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.
