Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka degay Laascaanood

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka degay Laascaanood

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wafdiga Raysal Wasaaraha Somaliya oo la socday diyaarad ka timid dhinaca Magaalada Muqdisho ayaa Salaaddii Jimcaha ka dib ka degay Garoonka Diyaaradaha Laascaanood.

Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ayaa wafdiga Raysal Wasaaraha ku soo dhaweeyay diyaaradda afkeeda hore, ka dib markii ay ka deggeen garoonkaasi.

Raysal Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisan ku wehlinaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Dowladda Federaalka.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa la filayay in ay hal mar magaalada wada iman doonaan isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, lamana oga sababta ka dambeysa dib u dhaca Madaxweynaha.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa in ay Laascaanood kaga qaybgalaan caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari.

Booqashadan ayaa waxay noqoneysaa middii labaad ee Raysal Wasaaraha Somaliya uu ku tago Magaalada Laascaanood ee Xarunta Maamulka Waqooyi Bari.

Raysal Wasaare Barre ayaa 12-kii bishii April ee sanadkii 2025 gaaray Laascaanood, isaga oo sida la sheegay noqday Raysal Wasaarihii ugu horreyay ee Soomaaliyeed ee xil haya ee taga Laascaanood.

Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu saacadaha soo socda gaaro Laascaanood ayaa waxa uu noqon doonnaa Madaxweynihii ugu horreyay Jamhuuriyadda Federaalka ee taga magaaladaasi, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladnimada Somaliya, muddo laga joogo ku dhawaad 26 sano.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc