Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Jimcahan gaaray Magaalada Laascaanood.
Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa waxaa si weyn Garoonka Diyaaradaha Laascaanood ugu soo dhaweeyay Madaxda Maamulka Waqooyi Bari, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Dowladda Federaalka iyo weliba dadweyne aad u fara-badan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo hormaray oo magaalada gaaray Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Madaxda Dowladda Federaalka ayaa Laascaanood kaga qaybgelaya caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).
Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka jira mashquul xoog leh, iyadoo dadka deegaanka ay u diyaargaroobeen in ay qaabilaan wufuudda ballaaran ee tageysa magaaladaasi.
Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana howlaha lagu sugayo amnigeeda iska kaashanaya ciidamo isku dhaf ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreyay Jamhuuriyadda Somaliya ee booqda Magaalada Laascaanood, tan iyo markii uu dalku qaatay nidaamka federaalka.
