Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa Jimcihii dib u bilaabay hawlgalka la doonayo in maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaro Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidanka Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Xoogga Dalka, Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa 12-kii bishii November weerar ballaaran ku qaaday maleeshiyada Al Shabaab, iyagoona dagaalo culus kula galay deegaanada hoostaga degmadaasi.
Warbaahinta ayaa fahamsan in ciidamadu ay hawlgalkan hakiyeen 21-kii bishii December, ka dib afartan maalmood oo ay socdeen dagaalo lagu riiqmay.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay Jimcihii culeys saareen deegaanada qaar ee dhaca jiinka bari Webiga Jubba, ee ay Shabaabku ka difaacayaan magaalada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada oo ka soo ruqaansaday saldhigyada ay ku leeyihiin deegaanada Yoontooy iyo Baar Sanguuni ay isku dayayaan in ay furtaan waddooyin ay ku gaari karaan magaaladaasi.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada qaarkood oo adeegsanaya waddooyin qarda-jeex ah ay damacsan yihiin in ay uga soo dhacaan waddada laamiga ee tagta magaalada.
Ciidamada ayaa shalay dhaqaaq cusub sameeyay, ka dib markii ay diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ay garaaceen Jamaame iyo nawaaxigeedaba.
Ciidamada ayaa waxaa habboon in ay marka hore Shabaabka ka sifeeyaan jiidda bari ee webiga, ka hor inta aysan gaarin magaalada uu yoolkoodu yahay in ay qabtaan, si aysan dhabar jebin ula kulmin iyo in aan hadhow magaalada la go’doomin.
Shabaabka ayaa si abaabulan ugu daadsan dhulka hawdka ee ka baxsan magaalada, kuwaas oo la aaminsan yahay in ay ka badan yihiin kuwooda kale ee magaalada ka difaacaya dhanka waddada laamiga ee dhirta badan ka baxday.
Maleeshiyaad Shabaab ah oo koox koox loo hawlgeliyay ayaa la ogyahay in ay ku sugan yihiin hawdka ku teedsan webiga, iyagoona halkaasi ku leh wax aad mooddo difaac sida silsilad oo kale ah, magaaladana ay ka difaacayaan.
Tan iyo markii uu hawlgalku bilowday bishii November, ciidamada ayaa caqabad kala kulmayay, sidii Shabaabka kooxaha loo abaabulay ay uga saari lahaayeen dhulka hawdka ee ku dhirirsan webiga jiinkiisa iyo hareeraha waddada laamiga ee dhirta badan ay qarisay.
Shabaabka ayaa ka cararaya in ay lumiyaan gacan ku haynta Jamaame, sababtoo ah waxay difaac muhiim ah u tahay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.