Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Dagaalka ka dhacay Jabad Godane iyo Shabaab oo culeyska ku kordhinaya Warsheekh

Macluumaad la xiriira: Dagaalka ka dhacay Jabad Godane iyo Shabaab oo culeyska ku kordhinaya Warsheekh

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dib ugu laabtay barrihii ay kaga sugnaayeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib dagaal culus oo ay maanta deegaankaasi kula galeen maleeshiyada Al Shabaab.

Shabaabka ayaa weerar ballaaran ku qaaday fariisimaha ciidamada ee deegaankaasi, iyadoona ay u suurtagashay in ay muddo kooban haystaan fariisimaha ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Militariga oo dib iska soo abaabulay ay weerar rogaalcelin ah ku qaadeen Shabaabkii soo galay dhulkii ay haysteen.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shabaabka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ku wada sugnaa deegaankan, iyagoo markaasi laba qayb u kala haysta oo qolo kastana ay dhinac ka maamuleysay.

Shabaabka ayaa saakay weerar ay qaraxyo ku bilowdeen ku qaaday fariisimihii ay ciidamada kaga sugnaayeen deegaankaas, iyadoo uu ujeedkoodu ahaa in ay wada qabsadaan Jabad Godane. Ciidamada oo ka warqabay in Shabaabka ay doonayaan in ay jaraan waddada xeebta ee xiriirisa Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Magaalada Muqdisho ayaa guluf xoog leh dib ugu qabsaday fariisimahoodii.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada qaarkood ayba u tallaabeen dhinacii kale ee ay Shabaabku illaa bishii December ka haysteen deegaankaasi, inkastoo ay galabta dib u soo banneeyeen. Ciidamada ayaana hadda ku sugan fariisimahoodii uu dagaalku ka bilowday oo ay difaac kaga jiraan.

Dhanka kale wararka laga helayo Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Shabaabku ay dhaqdhaqaaq ka wadaan goobaha ay ka joogaan deegaanada Jabad Godane, Shiikh-yaalo iyo Alanley oo hoostaga Degmada Warsheekh, si ay u xaqiijiyaan in ay isku soo fidiyaan dhulka xeebta.

Ciidamada ayaa meelo ka mid ah deegaanadaasi ku hortaagan maleeshiyada Al Shabaab, si aysan isugu soo ballaarin jidka xeebta.

Culeyskan ay Shabaabku ku hayaan Warsheekh ayaa waxaa ugu wacan joogitaankooda deegaanka Xawaadley oo hoostaga Degmada Balcad, isla-markaana leh buundo dulmarta Webiga Shabelle oo qayb ahaana isku xirto Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose.

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa 29-kii bishii December la wareegay gacan ku haynta Xawaadley, inkastoo ay saacado ka dib soo banneeyeen, iyadoo aan sababta la aqoon.

Shabaabka ayaa bishii June bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta deegaankan istiraatiijiga ah, ka dib markii ay ka baxeen Militariga Burundi ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Wax kasta oo ciidamada ka xumaada amaba ka khaldama waxay fursado waaweyn u abuuraan Shabaabka, oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidanka AUSSOM ee dalka.

Shabaabka ayaa hadda raadinaya meelo ay kaga soo gaari karaan waddada xeebta ee Gobolka Shabellaha Dhexe, oo ah isha ugu weyn ee saadka iyo gurmadkaba uu u maro ciidamada ka hawlgala deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Shabaabka ayaa isticmaalaya qiddada dagaalka ee ku saabsan in weerarku uu ka wanaagsan yahay difaaca, iyaga oo dhul cusub qabsanaya, isla-markaana ka leh istiraatiijiyad ay muddo fog ku sii joogi karaan dhulkii ay horey u maamulayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc