Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay inaysan awood u adeegsan doonin Greenland

Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay inaysan awood u adeegsan doonin Greenland

by Laacib

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu aanu xoog u adeegsan doonin Jasiiradda Greenland ee Denmark, balse ay wada hadal ka geli doonaan.

Madaxweynaha oo ka hadlayay shirka sanadlaha ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos ayaa sheegay in haddii ay awood isticmaali lahaayeen aan la jooji kari lahayn Mareykanka.

“Maraykanku wuu soo noqday, wuu ka weyn yahay, wuuna ka xoog badan yahay oo ka wanaagsan yahay sidii hore, waxaana ku arki doonnaa agagaarka.” Ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka oo xusay inaysan awood militari adeegsan doonin.

“Haddii aan isticmaalno xoog, waxaan noqon lahayn kuwo aan la joojin karin, balse ma samayn doono taas, mana doonayo inaan xoog isticmaalo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Trump ayaa xoojiyay hadalkiisii Talaadadii, ee ahaa in ay wada hadal degdeg ah ka geli doonaan arrinta Greenland, si ay uga iibsadaan Denmark.

Trump ayaa shalay shir jaraa’id ka sheegay, ka hor inta aanu u ambabixin dalkaasi Switzerland in muddada uu ku sugan yahay Davos in uu kaga qaybgeli doono kulamo ku saabsan arrinta Greenland, uuna rajeynayo in ugu dambayn heshiis la gaaro.

Dowladda Denmark iyo Yurub oo dhan waxay si weyn uga soo horjeedaan in Greenland laga iibiyo Mareykanka.

Trump oo khudbad socotay in ka badan hal saac ka jeediayay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos ayaa sheegay in Mareykanka uu yahay dalka keliya ee difaaci kara Greenland.

“Mareykanka oo keliya ayaa ah dalka difaaci kara dhulkan baaxadda leh iyo barafkan weyn.” Ayuu yiri Trump.

Xulafada Mareykanka ee Yurub ayaa ka biyo diidan damaca Trump uu ku doonayo in uu ku hantiyo Greenland, lamana oga waxa Trump uu samayn doono, haddii ay ku hungoobaan wada hadalka ay markan isku dayayaan inay Denmark kaga iibsadaan jasiiraddaasi.

Weerarkii Ciidamada Mareykanka ay 3-dii bishan ku qaadeen Venezuela ayaa huriyay cabsi ah in sidoo kalena ay ku degan karaan Greenland.

Weerarkan oo Militariga Mareykanka ay ku soo xireen Madaxweyne Nicolás Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores ayaa waxaa tallaabadaasi lagu sheegay mid uu Trump dunida dib ugu celinayo xilligii sharci la’aanta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc