Wararka ka imanaya Jasiiradda Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay bilaabeen inay guryahooda ku soo laabtaan, ka dib markii deegaanka dib looga saaray maleeshiyadii Al Shabaab ee Arbacadii weerarka ku qabsatay.
Inta badan dadka deegaanka ayaa guryahooda isaga cararay, ka dib weerarkii xooganaa ee ay maleeshiyadu ku qaadday deegaankaasi. Dadka deegaanka ayaan keliya jasiiradda uga barakicin cabsi ay ka qabeen in lagu dul dagaalamo, balse waxay sidoo kale uga carareen baqdin ay ka qabeen in Shabaabku ay beegsan karaan.
Shabaabka ayaa Arbacadii tiro dad ah oo ay ku jiraan saddex dumar ah ku dilay Kudhaa, iyagoo ku eedeynaya in ay la shaqeynayeen Ciidanka Jubbaland.
Ciidamo gurmad u badan oo isugu jira Kumaandooska Danab ee Militariga Somaliya iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa Khamiistii dib ula wareegay gacan ku haynta Kudhaa. Shabaabka ayaana khasaare xoog leh kala kulmay weerarkii rogaalcelinta ee ciidamada iyo diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah oo xagga cirka ciidamada ka taageerayay.
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in hawlgalka lagu dilay 59 xubnood oo Shabaab ah, 42 laga dhaawacay iyo 10 gaadiidka dagaalka ah oo laga gubay.
Ciidamada ayaa hawlgalkan ku qabtay maxaabiis Al Shabaab ah, inkastoo aan tiradooda la sheegin.
Jugtan ay Shabaabka kala kulmeen Kudhaa ayaa waxay noqoneysaa waxyeelada ugu weyneyd ee ka soo gaarta goobta dagaalka, ka dib weeraradii lagu jebiyay ee ay billihii May iyo June ku qaadeen deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Nolosha Jasiiradda Kudhaa oo hoostagta Degmada Badhaadhe ayaa dib u soo laabaneysa, dadkuna waxay bilaabanayaan inay noloshooda sii wataan.