Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka badbaaday weerar uu ku soo qaaday nin ku sugnaa goob ay ka khudbadeynaysay, kaasoo ku buufiyay walax dareere ah oo aan la garaneyn.
Ninkan ayaa xalay Ilhaan Cumar ku weeraray Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, xilli ay khudbad ka jeedineysay hoolka shirarka ee magaaladaasi oo kulan dadweyne ay ku qabaneysay.
Booliska Minneapolis ayaa sheegay in mid ka mid ah dadkii ku sugnaa hoolka uu weeraray Xildhibaanadda, isagoo adeegsanaya sirinji ama saliinge uu ku jiro walxo dareere ah oo aan la aqoon maadada uu ka sameysan yahay.
Ilhaan Cumar ayaan wax dhaawac ahi soo gaarin, iyadoo awoodday inay hadalkeeda sii wadato, ka dib hakad kooban oo dhacay. Booliska ayaa xaqiijiyay in la xiray ninkaasi, isla-markaana loo kaxeeyay Xarunta Dembi Baarista.
Jacquelynn Goessling oo ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa sheegtay in ninkaasi ay u maleynayeen kaaliyeyaasheeda oo u kacaya in uu warqad ama wax kale u dhiibaya Ilhaan Cumar.
Jacquelynn Goessling ayaa dhanka kale sheegtay in ur aan fiicneyn uu ninkaasi ku buufiyay Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota.
Koox saynisyahano ah oo la shaqeeya laamaha amniga ayaa gaaray goobta, si loo baaro maadada dareeraha ee ninkaasi uu u adeegsaday weerarka.
Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in ay badqabto, isla-markaana aysan falalka noocan ah ka hor istaagi karin inay shacabkeeda u adeegto.
Toddobaadyo ka hor ayay ahayd, markii Ilhaan Cumar ay ka digtay in weerarada afka ah ee kaga imanaya Madaxweyne Donald Trump iyo hadaladiisa ka dhanka ah bani’aadantinimada ay ka dhalan karaan qalalaase siyaasadeed oo horseedi kara sida ay sheegtay cawaaqib xumo.
Trump oo aan qarsan naceybka uu u qabo Soomaalida Mareykanka ayaa in muddo ahba fagaareyaaasha ka weerarayay Ilhaan Cumar, oo ah xubinta ugu caansan ee Soomaalida dalkaasi.
Ilhaan Cumar ayaa xubin ka ah Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka, iyadoo Trump uu mar walbaba ku celceliyo in uunu jecleyn gabadhaasi.
