Ugu yaraan 31 qof oo ay ku jiraan lix carruur ah ayaa lagu dilay duqayn culus oo Israel ay maanta ka gaysatay Magaalada Gaza iyo deegaanka kale ee lagu magacaabo Khan Yunis ee waqooyiga iyo koonfurta Marinka Gaza.
Duqayn ay Israel ku qaadday Saldhigga Booliska Sheikh Radwan ee waqooyi galbeed ee Magaalada Gaza ayaa lagu dilay shan sarkaal oo boolis ah iyo shaqaale kale, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Gaza.
Maamulka Isbitaalka Al Shifa ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan toddobo qof ay ku dhinteen duqaynta cirka ay Israel ka gaysatay saldhiggaasi.
11 qof oo kale ayaa lagu dilay duqaymo kale oo Israel ay ka gaysatay Magaalada Gaza, oo ah tan ugu weyn ee Marinka Gaza.
Sidoo kale Mohammed Saqer oo ka tirsan Shaqaalaha Isbitaalka Nasser ayaa sheegay in ay maanta la kulmeen xaalad naxdin ah, ka dib duqaymo ay diyaaradaha dagaalka Israel ka fuliyeen deegaanka Khan Yunis.
Mohammed Saqer ayaa tilmaamay inay daadgureeyeen meydadka toddobo qof oo u badan carruur iyo dhaawaca illaa soddon qof oo kale oo ku waxyeeloobay duqaymahaasi.
Dhibaneyaasha kale ee ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay duqaymaha Israel ee maanta ayaa la kala geeyay isbitaalada kale ee Gaza.
Dhacdooyinkan ayaa qayb ka ah xadgudubyada ay sida joogtada ah Israel ugu sameynayso heshiiskii xabad joojinta ee 10-kii bishii October ka dhaqangalay Marinka Gaza.
Israel ayaa waxaa lagu tilmaamaa dowlad aan gebi ahaanba ixtiraamin heshiisyada ay gasho.
Telefishinka Al Jazeera ayaa ku waramay in Israel ay 1,300 oo jeer ay jebisay heshiiska xabad joojinta, tan iyo bishii October ee sanadkii hore. Al Jazeera waxay sheegtay in Ciidamada Israel ay muddadaasi dileen 509 Falastiiniyiin ah, 1,405 kalena ay dhaawaceen.
Weeraradan ayaa waxay ku soo aadayaan, maalin ka hor inta aysan Israel dib u furin Isgoyska Rafah ee isku xira Marinka Gaza iyo Masar, oo ay qabsatay bishii May ee sanadkii 2024. Isgoyskan ayaa ku yaala cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.
